Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Madaale oo Xafiiskiisa Kulan Kula Qaatay Safiirka Dowladda Qatar ee Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Danjiraha Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya Dr. Cabdalla Bin Saalim Al-Naciimi.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay arrima dhowr ah oo la xariira xoojinta xiriirka labada dhinac, dardar galinta heshiisyadii horey u dhacay ee la xariira fulinta barnaamijka mataaneynta Muqdisho iyo Doxa, dib u cusbooneysiinta mashaariicda ay Dowladda Qatar ugu talagashay dib udhiska Caasimadda JFS.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa uga mahad celiyay Boqortooyada Qatar kaalinta hagar la’aanta ah oo ay marwalba ka geysato garab istaaga Dowladnimada Soomaaliya iyo dib u dhiska dalkeena.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this