Deeq A. Posted May 20, 2024 Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi oo xalay ka qayb-galay munaasabad lagu shaacinayay degmooyinka cusub ee Gubadley, Garasbaaley iyo Daarusalaam oo ka dhacday xarunta maamulka gobolka Banaadir ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah, isaga oo u jawaabay xubnaha mucaaradka. Fiqi ayaa si toos ah ula hadlay madaxweynayaashii hore ee dalka Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo labaduba shalay soo saaray warsaxaafadeedyo ay ku diideen go’aanadii kasoo baxay shirka golaha wadatashiga qaran. Wasiirka arrimaha dibadda ayaa qoraallada kasoo baxay labada madaxweyne ku tilmaamay wax aan la fahmi karin aadna u tiro badan, sida uu hadalka u dhigay. “Dad xildhibaanno ah oo odayaal ah oo dalkan xilal kasoo qabtay ayaa baaqyo la akhrin waayay oo kii madashiiba ka badan soo saaray” ayuu yiri wasiir Axmed Macallin Fiqi. Sidoo kale wasiirka ayaa difaacay qodobada kasoo baxay shirkii golaha wadatashiga qaranka, wuxuuna tilmaamay inay muhiim u ahaayeen dalka iyo dadka Soomaaliyeed. “Waxaa ku dhex jira saddexda qodob ee lasoo saaray maba jiraan war amniga, la dagaallanka argagixisada iyo dastuurkii horay haloogu socdo,”ayuu sii raaciyay. Ugu dambeyn wuxuu tilmaamay inay ka go’an tahay xukuumad ahaan in horay loo socdo, dalkaana la gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah. “Runtii waxaan boggaadineynaa madasha go’aamadeeda iyo in horay loo soo socdo, dalkan wuxuu ka tegayaa Teendhada” ayuu mar kale yiri wasiirku. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo mucaaradka iyo Puntland ay kasoo horjeesteen dhammaan tallaabooyinkii ugu dambeeyay ee ay qaaday dowladda federaalka Soomaaliya. The post Daawo: FIQI oo u jawaabay Farmaajo iyo Sheekh SHARIIF appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites