Sign in to follow this  
Deeq A.

Dacwad oogaha Maxkamada ICC dal baday in la soo xiro Raysal wasaaraha Israa”iil iyo madaxda Xamaas.

Recommended Posts

Deeq A.   

Dacwad oogaha maxkamadda Dembiyada Caalamiga (ICC) ayaa dalbaday in la soo xiro Ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu iyo wasiirka gaashaandhigga Yoav Gallant.

Sidoo kale waxaa ay maxkamadda dalbatay in la soo xiro hoggaanka sare ee ururka Xamaas, kuwaaso kala ah; Ismail Haniya, madaxa siyaasadda ee ururka, Yaxye Sinwar, madaxa Xamaas ee Qasa iyo taliyaha guutada hubaysan ee Xamaas, Maxamed Deif.

Xeer Ilaaliyaha Maxkamadda  Dembiyada Caalamiga ah (ICC), Karim Khan ayaa yiri; “ Netanyahu iyo Gallant ayaa mas’uul ka ah dembiyada ka dhanka ah aadanaha ee ka dhacay Qasa.

Waxay sababeen dabar goynta dadka iyo gaajada oo ah ficil dagaal Haddii aynaan muujin rabitaankeena ah inaan si siman u ixtiraamno sharciga, tani waxay la macno tahay burburka sharciga.”

Waxaa kalo uu dembi dagaal u aqoonsaday weerarkii Xamaas ay qaaday 7 Oktoobar.

Isla markii uu goor dhow soo baxay go’aankan, warbaahinta Israa’iil ayaa bilowday inay ku sheegto go’aan ceeb caalami ah ku ah Netanyahu , oo inta ay dacwada socotay dadaal ku bixinayay inuusan soo bixin go’aanka ay ICC ku dalbaynayso in la soo xiro.

PUNTLAND POST.

The post Dacwad oogaha Maxkamada ICC dal baday in la soo xiro Raysal wasaaraha Israa”iil iyo madaxda Xamaas. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this