Deeq A. Posted May 19, 2024 Madaxweynaha Iran Irahim Raisi ayaa nolol iyo geeri lagu la yahay kaddib markii ay dhacday diyaarad uu la socday oo ku dhacday tuulada Uzi. Wakaaladda wararka Iran ee Mehr, oo ahayd goobtii u horreysay oo sheegtay inay la xiriirtay qaar ka mid ah wafdiga Madaxweynaha Iran, oo u xaqiijiyay inuu badqabo, hadda warkaa waa ay masaxday, taasoo muujisay inuu jahwareer ka jiro ka soo warranka dhacdada la xiriira diyaaradda uu la socday Madaxweynaha Iran ee dhacday. Xildhibaan laga soo doorto gobolka, la sheegay inay diyaaraddu ku dhacday ayaa dhankiisa caddeeyay in aysan jirin wax xiriir ah oo laga helay wafdiga Madaxweynaha Iran diyaaradda la saarnaa, xilligana ay socdaan baadi-goob, maxaa yeelay nolal iyo geeri wali laguma hayo. Intaa waxaa dheer goobta loo aqoonsaday inay diyaaraddu ku dhacday ee agagaarka tuulada Uzi oo ku taalla kaymaha magaalada Arsbaran ayaa ka mid ah meelaha ay adag tahay in la maro. Kaymaha Uzi way adag tahay in ciidamada gurmadka ay si dhaqso ah u gaaraan, maaddama aysan jirin waddooyinka loo maro, cimiladuna ay aad u xuntahay. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Iran oo aan nolol iyo geeri lagu hayn appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites