Sign in to follow this  
Deeq A.

QM oo sheegtay inay korortay tirada dhimasha cudurka daacuunka ee soomaaliya.

Recommended Posts

Deeq A.   

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan isku xirka arrimaha bini’aadantinimada ee OCHA, ayaa sheegtay in ay kordheen tirada dhimashada cudurka Daacuunka taasoo kor u dhaaftay 120 qof tan iyo bishii January.

10,647 xaaladood oo cusub oo cudurka Daacuun ah ayaa laga soo sheegay toddobo gobol oo kamid ah Soomaaliya, taasoo ka dhigan heerka dhimashada kiisaska cudurka Daacuunku inuu gaaray 1.1 boqolkiiba.

OCHA waxa ay intaa ku dartay in roobabka mahiigaanka ah ee ka da’aya dalka la filayo in ay uga sii daraan cudurka Daacuun caloolaha oo markii horeba si aad ah uga dilaacay meelaha qaar.

Sannadkii 2023-kii, in ka badan 18,304 xaaladood iyo 46 dhimasho ah ayaa laga soo sheegay Soomaaliya, kuwaas oo in ka badan kala badh ay ahaayeen carruur da’doodu ka yar tahay shan sano jir.

PUNTLAND POST.

The post QM oo sheegtay inay korortay tirada dhimasha cudurka daacuunka ee soomaaliya. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this