Kamalu Diin Posted December 10, 2006 Habeenadii ugu dambeeyay oo Muqdisho gudaheeda lagu arkayay Gaadiid ay saaran yihiin dhalinyaro dadka ku qalqaalineysa in dadku ka qeyb qaataan Jihaadka Habeenadii la soo dhaafay ayaa waxaa gudaha magaalada Muqdisho lagu arkayay xilliyada wixii ka dambeeya 9:00 dhalinyaro faro badan oo saaran gaadiid nooca loo yaqaano waaraadka kuwaasoo dhalinyarada ay isku kooxda yihiin ku qal qaalinaya inay soo raacaan isla markaana ay dhalinta tagto goobaha ay isku hor fadhiyaan ciidamada maxkamadaha iyo kuwa dowladda federaalka gaar ahaana dhinaca Buur-hakaba. Habeenkii xalay ahaa ayaa waxaa lagu arkay xaafadaha degmada Wardhiigley, gaari weyn oo ah nooa loo yaqaano Waaraadka oo isagu ku soo agbaakimanaya goobaha ay dhalinyaradu ku shaahaan, ee maqaayadaha ah, iyagoo u soo diraya dhalinyaro ka mid ah oo kuwa kale ku booriya inay soo raacaan gaariga si loo geeyo furimaha dagaalka ee laga cabsi qabo inay isku faro saaraan dhinacyada maxkamadaha iyo dowladda oo kaashaneysa kuwa Itoobiyaanka. Dhinaca kale, ciidamo gurmad ah oo xoogan ayaa sidoo kale waxa ay ka baxayeen habeenadii ugu dambeysay saldhigyada ciidamada ee ay gacanta ku hayaan golaha maxkamadaha islaamka Soomaaliyeed, waxayna arrintani ka dambeysay kadib markii ay shaqaaqooyin dhex mareen ciidamo Itoobiyaan ah iyo kuwa ku sugan Diinsoor ee maxkamadaha. Garaad Salaad Xirsi garaadcadde@hotmail.com Ceelbuur Net Quote Share this post Link to post Share on other sites