Sign in to follow this  
General Duke

Relocating home

Recommended Posts

Muqdisho: Beesha Oo Fidisay Gogol Lagu Taageerayo Dowlada Federaalka

- Wednesday, June 08, 2005 at 18:32

 

koogaarimaha10.JPG

 

ka bilow Bidix: Koogaar, guddoomiye kuxigeenka gobolka banaadir Ugaas Cali iyo Maxamed Cabdull Qaadir oo ah Kuxigeenka duqa magaalada arimaha Dhaqaalaha iyo maaliyadda

 

Muqdisho (AllPuntland) - Waxaa shalay lagu qabtay Hotelka Global Kulan weyn oo ay kasoo qeybgaleen guud ahaan bulsho weynta Soomaaliyeed noocyadeeda kala duwan gaar ahaan bulshada ku dhaqan Xamar oo ka kooban Hoggaamiyeyaasha Dhaqanka, Siyaasiyiinta, Culimaa'uddiinka, Aqoonyahanada, Ururada Bulshada iyo Madaxda Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Kuxigeenada Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ee uu dhawaan magacaabay Ra'iisul Wasaaraha

 

 

 

Shirkaas oo ulajeedadiisu aheyd in la taageero madaxda Dowladda Federaalka kaasoo gogoshiisa ay fidiyeen indheer garadka Beesha iyagoo u dhigay bulsho weynta Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Banaadir si ay u mideeyaan afkaartooda, kaasoo baxay go'aanno u qornaa sidan oo nuqul ka mid ah aan helnay.

 

Shirka Wuxuu si buuxda u taageerayaa Dowladda Federaalka ee ka dhalatay dalka Kenya una dhalatay Umada, waxayna kusoo dhoweynayaan gacmo furan iyo niyad saafi ah.

 

Shirka wuxuu u soo jeedinayaa labada gole ee dowladda Federalka in ay xaliyaan khilaafaadka dhexdooda.

 

Waxaan ku boorineynaa kana codsaneynaa in ay dalka gudahiisa dib ugu soo laabtaan.

 

In Warbaahinta (Idaacaddaha) laga joojiyo wararka sii kala fogeyn kara afkaaraha.

 

Beesha Caalamka waxaan ka codsaneyna in ay dhameystiraan dadaalkii ay u galeen dhismaha dowladda federaalka siina wadaan gacan siinta xaga dhaqaalaha, Siyaasadda iyo nabadgelyada si loo samata bixiyo shacabka tabaaleysan.

 

Waxay taageereynaa Magacaabista la magacaabay Kuxigeenada Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

 

Cali Muxiyadiin Cali

 

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jowhar: Ra’iisul Wasaare Geeddi oo dib ugu laabtay Nayrobi iyo warar dheeraad ah oo safarkiisii Jowhar ku Saabsan

- Wednesday, June 08, 2005 at 18:37

 

Jowhar - Ra’iisul wasaaraha dowlada Federaalka Soomaaliya Prof Cali Maxamed Geeddi iyo Xubnahii la Socday ee golayaasha Dowladda ayaa galabta dib uga dhoofay garoonka magaalada Jowhar.

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa garoonka ku sii sagootiyay xubno ka tirsan maamulka gobolka oo uu hor kacayay Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe Md: Maxamed Cumar Xabeeb Max’med Dheereâ€.

 

 

 

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay garoonka inii aanu ka dhoofin ayuu mar kale ku celiyayRa’iisul wasaaruhu in waxii ka dambeeya 13.ka bishan ay xukuumadu dalka ku soo laaban doonto iyadoo si rasmi ah markaasi u soo dageyso magaalooyinkii ay isku raaceen xubnaha Golayaasha Dowladda.

 

 

 

Sidoo kale waxaa iyana isla xilligaasi ka dhoofay garoonka wafdi kale oo iyana ka socday qaramada Midoobay oo uu horkacayay Isu duwaha Deeqaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Maxiwell Gylair, oo isaga iyo wafdigiisba muddo laba maalmood ah ku sugnaa magaalada Jowhar.

 

 

--------------------------------------------------------------------------------

 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Iyo Xubno Golaha Wasiirada Dowladda Ah Oo Booqday Xarumahii Dowladda Ee Magaalada Jowhar

 

 

 

Jowhar- Ra’iisul wasaaraha xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi oo maalintii labaad jooga magaalada Jowhar ayaa saaka booqday xarumahii hore ee dowlada ee magaalada Jowhar.

 

 

 

Ra’iisul wasaaraha oo ay wehliyeen xubno ka tirsan golayaasha Dowlada ayaa goobahii ay soo mareen waxaa ka mid ahaa dhismayaashii ay daganaayeen shaqaalaha dowladdii hore, iyo guryahii shaqaalaha Warshadii SNAI ee magaalada Jowhar.

 

 

 

Xubnaha wafdiga ra’iisul wasaaraha ayaa intii ay joogeen magaalada Jowhar waxey u kuur galeen qaabka ay u dagayso dowlada magaalada Jowhar, waxuuna sheegay ra’iisul wasaaruhu in magaalada jowhar ay tahay meel ku haboon waqtigan in ay dagto xukuumadda.

 

 

 

 

--------------------------------------------------------------------------------

 

Prof Cali Maxamed Geeddi Iyo Maxwell Gylair Oo Maanta Kormeeryay Biyo Xireenka Sabuun Ee Magaalada Jowhar.

 

 

 

Jopwhar- Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Prof Cali Maxamed Geeddi oo uu la socdo u qeybsanaha deeqaha qaramada Midoobay Soomaaliya Maxwell Gylair ayaa manta kormeer ku sameeyay kanaalka Sabuun oo ah biyo xereen aanan la isticmaalin waqtiyadii nidaam la’aantu dalka ka jirtay.

 

 

 

Prof Cali Maxamed Geeddi Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo halkaasi war bixino ka dhageystay Ing. Nuur Dheere oo isagu ka mid ahaa howl wadeenadii kanaalka Shiinaha oo uu shalay Ra’iisul Wasaare Geeddi u bixiyay kanaalka Nabadda xilli uu ka qeyb galayay xaflad qaddo aheyd loo sameeyay dhameystirka dayactir lagu sameynayay kanaalkaasi oo soconayay ku dhawaad afar bilood.

 

 

 

Prof geeddi oo manta ka hadlay kormeerkaasi ayaa sheegay in loo baahan yahay in howshan lagu dayactirayo kanaalkaasi Sabuun la daba dhigi doono howlaha ay hey’adaha qaramada Midoobay ka wadaan gobolka Shabeelaha Dhexe.

 

 

U qeybsanaha Deeqaha Qaramada Midoobay Soomaaliya Maxwell Gylair ayaa sheegay in howsha dayactirka kanaakaasi goor dhow ay bilaaban doonto isagoo dalbaday in loo soo gudbiyo dhamaan dukumentiyada howshaasi lagu wadayo, si uu loo hello xog dhab ah oo ku saabsan baaxada howsha halkaasi laga qabanayo.

 

 

 

Kanaalkan oo ay hirgalisay Hey’adda FAO ayaanan helin wax dayactir ah tan iyo bur-burkii dowladii hore ee milatariga aheyd, waxaana la sheegay in kanaalkaasi uu ahaa mid biyaha loogu keydin jiray beeraha qudaarta ee ku yaala gobolada shabeelooyinka, iyadoo dhanka kalana la tilmaamay in kanaalkaasi uu yareynayo qatarta in badan ku timaad fatahaadda uu sameeyo wabiga shabeele gaar ahaa gobolada shabeelaha dhexe iyo Hoose.

 

 

 

Guulane

 

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this