Sign in to follow this  
Deeq A.

Shir madaxeedka Jaamacadda carabta oo lagu taageeray Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1715956613959.jpg?resize=719%2C48

Shir Madaxeedka dalalka Jaamacadda Carabta, meertadiisa 33-aad oo lagu soo gaba gabeeyay dalka Baxreyn ayaa lagu taageeray madax-bannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa lagu taageeray midnimada Soomaaliya si loo ilaaliyo madax-bannaanideeda iyo ka hortagga tallaabo kasta oo wax u dhimi karta.

Sidoo kale wadamada Jaamacadda Carabta waxay muujiyeen sida ay u taageersan yihiin dadaallada dowladda Soomaaliya ay ugu jirto la dagaallanka Al-shabaab, sugidda amnigeeda, xasilloonida, iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo ka qaybgalay shirka ayaa madaxda kale la wadaagay dadaalada iyo horumarka ay dowladda ka gaartay dagaalka Argagixisada, sugida amniga iyo hormatinta dhaqaalaha iyo dowladd wanaaga.

PUNTLAND POST

The post Shir madaxeedka Jaamacadda carabta oo lagu taageeray Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this