Sign in to follow this  
Deeq A.

Komishanka oo la Kulmay Xusbiyada iyo Ururrada siyaasada

Recommended Posts

Deeq A.   

Komishanka oo la Kulmay Xusbiyada iyo Ururrada siyaasada

Hargetsa(Qaran news)-Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL ayaa maanta kulan u qabtay daneeyayaasha Doorashooyinka gaar ahaan Xisbiyada iyo Ururrada Siyaasadda.
Kulankan oo ujeedkiisu ahaa diyaargarowga Doorashooyinka 2024 ayaa waxay KDQ la wadaageen Xisbiyada iyo Ururrada Siyaasadda arimahan:

1. Nuqulada Liiska Cod-bixiyayaasha Kama-baysta ee Goobaha Doorashooyinka 2024 (Polling Station FVL).

2. Qorshaha iyo Khariidadda Doorashooyinka 2024 (Election Roadmap & Timeline) oo faahfaahsan.

3. Qorshaha Nidaamka Hubinta Codbixiyayaasha Baayoomitrig ah (Biomitric Voter Verification System) ee Doorashooyinka 2024.

Kulankaas ayey labada dhinac isku weydaarsadeen afkaar iyo talooyin badan oo ku saabsan sidii ay dalka JSL ugu qabsoomi lahayd Doorashooyin hufan, daahfuran oo xor iyo xalaal ah. Waxaana muhiimadda uga weyn lays ku raacay arinta dhaqaalaha oo ah halbowlaha shaqada KDQ ee qabsoomida Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Xisbiyada Qaranka JSL 2024.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this