Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: Al Shabaab Vs Ahlu Clan

Recommended Posts

Culumada Muqdisho iyo Al-Shabaab oo meel xun kala maraya, bayaan iyo digniin ey soo saareen maanta /b]

 

Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 31-Desember-08

 

Culumada magaalada Muqdisho, gaar ahaan kuwa suuqa Bakaaro ayaa maanta soo saaray bayaan ey kaga hadlayaan hanjabaadyo ey sheegeen in ey dhawaan kasoo gaartay kooxda Al-Shabaab kadib markii ey sheegeen in dagaalada ka socda Gal-Gaduud ey uu u dhexeeyo Somali islamarkaana la joojiyo.

 

Waxaa lagu sheegay bayaankan in hanjabaadaha iyo caga-jugleynta laga daayo culumaa`udiinka iyo cidkasta oo ku hadleysa magaca umadda Somaliyeed.

 

Bayaankan ayaa lagu amray kooxaha madaafiicda ka dhextuura gudaha Suuqa Bakaaraha iyo shacabka dhexdiisa in ey si deg.deg ah u joojiyaan maadaama jawaabta kaga soo bixiyo madaafiicdaasi ey waxyeelo gaarsiiyaan shacabka ku dhaqan Bakaaraha.

 

Sheekh C/raxmaan Maxamed Axmed oo ku saxiixnaa bayaanka ayaa waxaa uu sidoo kale ku xusay bayaankan in loo istaago dib u heshiisiin guud oo ka hana qaada dalka oo dhan iyo in la joojiyo qodista qabuuraha muslimiinta iyo soo saarida qalfoofta.

 

Culumada ayaa intaa bayaankooda maanta ku daray in marka ey baxaan ciidamada Itobiya xabada la joojiyo islamarkaana ey khalad tahay in xabad danbe lasii rido.

 

Bayaankan ayaa u muuqda in uu si gooni ah ugu socda kooxda Al-Shabaab oo uu afhayeenkoodu maalinkii shalay u hanjabay culumada Suuqa Bakaaraha.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hanjabaada Al-Shabaab

 

audio >> Dhageyso

 

Si kastaba ha ahaatee Suuqa Bakaaraha iyo naqaaxigiisa oo ah meesha kaliya ee Al-Shabaab ka howl gasho ayaa iminka u muuqdo kuwo luminaya kalsoonida shacabka iyo culumaa`udiinka kadib markii ey hanjabaad u jeediyeen culumada islamarkaana madaafiic ey ka dhextuuraan shacabka oo jawaata madaafiicdaasina ey ku dhamaadaan shacab.

 

 

Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this