General Duke Posted December 31, 2008 Culumada Muqdisho iyo Al-Shabaab oo meel xun kala maraya, bayaan iyo digniin ey soo saareen maanta /b] Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 31-Desember-08 Culumada magaalada Muqdisho, gaar ahaan kuwa suuqa Bakaaro ayaa maanta soo saaray bayaan ey kaga hadlayaan hanjabaadyo ey sheegeen in ey dhawaan kasoo gaartay kooxda Al-Shabaab kadib markii ey sheegeen in dagaalada ka socda Gal-Gaduud ey uu u dhexeeyo Somali islamarkaana la joojiyo. Waxaa lagu sheegay bayaankan in hanjabaadaha iyo caga-jugleynta laga daayo culumaa`udiinka iyo cidkasta oo ku hadleysa magaca umadda Somaliyeed. Bayaankan ayaa lagu amray kooxaha madaafiicda ka dhextuura gudaha Suuqa Bakaaraha iyo shacabka dhexdiisa in ey si deg.deg ah u joojiyaan maadaama jawaabta kaga soo bixiyo madaafiicdaasi ey waxyeelo gaarsiiyaan shacabka ku dhaqan Bakaaraha. Sheekh C/raxmaan Maxamed Axmed oo ku saxiixnaa bayaanka ayaa waxaa uu sidoo kale ku xusay bayaankan in loo istaago dib u heshiisiin guud oo ka hana qaada dalka oo dhan iyo in la joojiyo qodista qabuuraha muslimiinta iyo soo saarida qalfoofta. Culumada ayaa intaa bayaankooda maanta ku daray in marka ey baxaan ciidamada Itobiya xabada la joojiyo islamarkaana ey khalad tahay in xabad danbe lasii rido. Bayaankan ayaa u muuqda in uu si gooni ah ugu socda kooxda Al-Shabaab oo uu afhayeenkoodu maalinkii shalay u hanjabay culumada Suuqa Bakaaraha. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted December 31, 2008 Hanjabaada Al-Shabaab audio >> Dhageyso Si kastaba ha ahaatee Suuqa Bakaaraha iyo naqaaxigiisa oo ah meesha kaliya ee Al-Shabaab ka howl gasho ayaa iminka u muuqdo kuwo luminaya kalsoonida shacabka iyo culumaa`udiinka kadib markii ey hanjabaad u jeediyeen culumada islamarkaana madaafiic ey ka dhextuuraan shacabka oo jawaata madaafiicdaasina ey ku dhamaadaan shacab. Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda Quote Share this post Link to post Share on other sites