Sign in to follow this  
Deeq A.

Xogta qodobbada ay ku kala qeybsan yihiin Xasan iyo madax goboleedyada ku shirsan Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
440356675_883923460445461_78062990105545

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ka socda shirka Goalaha Wadatashiga Qaran, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa guddoominaya shirka.

Kulankaan ayaa baaqday bishii hore kadib markii ay cudur daarteen Lafta-gareen iyo Axmed Madoobe. Sida aan horey u baahinay kulankaan waxaa diirada lagu saaraya doorashooyinka maamul goboleedyada, dastuurkii talo la’aanta uu madaxweynaha beddelay iyo dhismaha guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka qaranka.

Laakiin Villa Somalia waxay ku darsatay la-dagaalanka argagixisada, xilli siddeedii bilood ee lasoo dhaafay aan la qaadin wax dagaal ah, tii oo madaxweynaha ku mashquulsanaa arrimaha dastuurka iyo colaadinta mucaaradkiisa.

Madaxda afarta maamul goboleed ee Galmudug, HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa la sheegayaa in aanay isku aragti ka aheyn ajendayaasha kulanka, gaar ahaan qodobka la xiriira doorashooyinka maamul goboleedyada.

Laba kamid ah afartaan maamul goboleed ayaa la sheegayaa inay riixayaan in muddo kororsi cusub la siiyo maamulada. Axmed Madoobe iyo Lafta-gareen waxay aaminsan yihiin inay qabsan karaan doorashooyin u gaar ah oo Xasan Sheekh waxay ka rabaan inuu aqbalo kadibna aqoonsado.

Waxay aaminsan yihiin labadaasi hoggaamiye in uusan jirin mucaarad awood leh oo ka hor istaagi kara midaasi, laakiin Galmudug iyo HirShabelle ma ahan maamulo uu xaalkoodu fudud yahay oo uu hal qof qafaalan karo.

Puntland ayaa markale ka maqan shirkan. Madaxweyne Xasan Sheekh isagu aad uguma cad-cada muddo kororsi, wuxuu rabaa inuu ku adkeysto qabashada doorasho qof iyo cod ah, in loo dhaafo dhismaha guddiga doorashooyinka iyo in isaga laga warsugo illaa uu kusoo qancaayo in aan la qaban karin doorasho qof iyo cod ah, si kale markii loo yiraahdo wuxuu rabaa in aanay kulankaan wax weyn kasoo bixin oo maamullada uu sii mada-daaliyo illaa uu baarlamaanka ka marsanaayo guddiga doorashada, sharciga doorashooyinka iyo sharciga axsaabta.

Balse maamullada qaar ayaa fahamsan qorshihiisa, aad ayaa isha loogu wada hayaa waxa kasoo bixi kara kulankan, wallow damaca is-khilaafsan ee madaxda maamullada uu sababi karo in aan la gaarin natiijo weyn.

The post Xogta qodobbada ay ku kala qeybsan yihiin Xasan iyo madax goboleedyada ku shirsan Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this