Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Aadan Madoobe oo Kulan Sharafeed uu u Sameeyay Dhiggiisa Jabuuti

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xalay lagu casuumay Casho Sharaf uu u sameeyey Gadoomiyaha Baarlamanka Jamhuuriyada Jabuuti Mudane Dileita Mohamed Dileita, Sidoo kale waxaa ka soo qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Jambuuriyada Jabuuti Mudane Cabdulqaadir Kaamil Maxamed.

Casha sharafta waxaa goob joog ka ahaa Xildhibaanada labbada dal iyo madax kale uu ka socotay Dowlada Jabuuti.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa uga mahadceliyay Casho sharafta loo sameeyey gudoonka Baarlamaanka Jabuuti.

Guddoome Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ku sugan dalka Jabuuti ayaa halkaa ka wada kulamo muhiim ah oo uu la qaadanayo hoggaanka Baarlamaanka iyo madaxda dalkaas.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this