Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Qalabka Sida iyo Saaxiibada Caalamka oo Fuliyay Hawlgal Lagu Laayey Xubno Ka Tirsan Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Ilaa iyo sagaal xubnood oo ka tirsanaa Shabaab ayaa lagu dilay ku dhowaad 10-kalana waa lagu dhaawacay labo hawlgal oo ay iska kaashadeen Ciidanka Qalabka Sida iyo saaxiibada caalamka, kuwaas oo ka kala dhacay gobollada Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe sida lagu sheegay war kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Hawlgalka koowaad oo lagu dilay ilaa iyo afar Xubnood waxaa lagu bartilmaameedsaday gaari nooca dagaalka ah iyo gaari booyad ah oo Shabaab ay wateen , kaasi oo marayay hawdka deegaanka Cali Heelle oo ku yaalla xadka labadaan gobol.

Hawlgalka labaad ayaa lagu khaarajiyay shan ka tirsan Shabaab oo lagu beegsaday fariisin ay lahaayeen cadowga, kaas oo ka dhacay deegaanka Baraag Sheekh Caamir ee gobolka Galgaduud.

Hawlgalladan oo ahaa kuwo aad loo qorsheeyay ayaa sidoo kale waxaa lagu burburiyay gaadiid iyo saanado ciidan oo ay Shabaab lahaayeen sida lagu sheegay warka kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

“Dowladda Soomaaliya oo si weyn ula socota dhaqdhaqaaqa iyo isku dayada cadowga ayaa waxaa ka go’an in Khawaarijta lagu beegsado goob kasta, iyadoo ciidamada qaranka ay guulo ka soo hooyeen hawlgalladii ugu danbeeyay.” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka dowladda.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this