Sign in to follow this  
Cowke

WFP Program Will Be Expanding Bossaso Port Facility Port

Recommended Posts

Cowke   

wasiirada2.jpg

 

wfp1.jpg

 

wfp2.jpg

 

Heshiis: Hey'ad balaarinaysa Dekedda Boosaaso

10 Mar 10, 2010 - 6:37:46 AM

 

Wasiirada Puntland oo ku jira kulanka

 

Dowlada Puntland ee Somalia iyo Hay'adda WFP ayaa maanta 10 March, 2010 heshiis buuxa kala saxiixday kadib kulan balaaran oo ay wada qaateen labada dhinac.

 

Xarunta Madaxtooyada Dowlada Puntland ee Magaalada Garowe ayuu kalankani ka dhacay waxana ka soo qeyb galay xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ee Dowlada Puntland iyo Wafdi ka socday Barnaamijka Cunada Aduunka ee WFP.

 

 

Shirkan oo **** socday kulamo hore oo ay labada dhinac wada qaateen ayaa waxaa maanta looga hadlay sidii loo dhameyn laha wada hadalada labada dhinac islamarkana loo adkeyn lahaa heshiiskani .

 

Kulankan oo ay labada dhinacba ka hadleen ayaa waxaa goob joog ka ahaa dhinaca WFP ninka Soomaliya u qaabilsan Hay’adda WFP Salmaan Cumar iyo Math’ude iyo Gabadh la yirahdo Brenda Carter oo labaduba dhinaca logistics (ama howlgalka) ugu qaabilsan.

 

Waftiga ka socda WFP

 

Dhinaca Dowlada Puntland waxaa ka joogay Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha C/lahi Axmed Jamac (Ilko jiir), Wasiiru dowlaha Wasaarada Qorsheynta Cabdulqaadir Cabdi Xaashi,Wasiirka Maaliyada Faarax Cali Shire, Wasiirka Deegaanka C/qani Yusuf Cade, Wasiirka Dekadaha Saciid Max’ed Rage iyo kuxigenkiisa Eng Max’ed Ciise Lacle iyo Wasiirka Warfaafinta C/xakiin Axmed Guleed waxaana ugu dambeyntii qoraaladii laga soo saaray kulanka kala saxiixden Hay'adda WFP iyo Dowlada Puntland.

 

Markii uu kulanka dhamaaday ayaa waxaa shir jaraa'id qabtay Wasiirka Warfaafinta ee Dowlada Puntland C/xakiin Axmed Guleed waxaana uu sheegay in ay waxyaabo badan ka wada halen islamarkana si rasmi ah u kala saxiixden hashiis dhameystiran.

 

Wasiirka arrimha gudaha iyo Wassiru dowlaha Qorsheynt

 

Md. Guuleed ayaa waxaa uu intaasi ku daray in kulankani uu **** socday kulamo hore oo ay labada dhinac isku soo hor fariisteen inkastoo dhamaan shirarkii hore maanta la soo afjayray sida uu yiri.

 

"Waxaa ka mid ah qodobada aan ku heshiinay in Hay'adda WFP ay balaarin iyo qodisba ay ku sameyso Dekadda Bosaaso si ay suurto-gal u noqotay in Maraakiibta waa weyn ay ugu soo xirtaan taana waa laga heshiisay" ayuu sheegay Wasiirka Warfaafinta iyo Isgaarsiinta, Md. C/xakim Axmed Guuleed.

 

Wuxuu kaloo intaasi raaciyay in arrintaasi ay si deg deg ah ku bilaabmi doonto todobaadyada soo socdo dhaqaalihii loogu talo galanayna inta badan waa ay hayaan waana raadinayaa inta dhiman.

 

Wasiirku waxaa kaloo uu sheegay in ay Hay'adda WFP ay ka codsaneen in ay helaan meel keyd ah oo ay ka dhistaan Bakhaaro [bosaaso] ah iyadana waa laysla afgartay in la siiyo ugu dambeyntii.

 

Wasiirku waxaa uu ugu dambeytii sheegay in waxyaabihii laga wada hadlay ay sidoo kale ku jireen in qaladaadkii hore ee dhacay si wada jir ah loo saxo waana la wada aqbalay ayuu sheegay.

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this