Cowke Posted April 7, 2010 Booliska Kenya oo daroogo ka helay boorso uu watay madaxweynaha K/Galkacyo Max'ed Caalim Madaxweynaha K/Galkacyo Max’ed Axmed Caalin ayaa warar lagu kalsoonaan karo ay sheegayaan in lagu hayo baaritaano dheeri ah hotelkiisa Nairobi uuna ku jiro xabsi guri kadib markii nin ka mid ah wafdigiisa todobaadki hore lagu qabtay garoonka Joma Kenyata isagoo boorso ku wada kiilooyin daroogada qaaliga ah ee mamnuuca ka ah aduunka. Booliska daba gala kana hortaga ka ganacsiga Daraagiska ayaa habeen iyo maalin ku gadaaman hotel uu madaxweynaha K/Galkacyo ka daganyahay townka Nairobi iyadoo lala xiriirinayo inuu wax ka ogaa ninkaas wafdigiisa ka tirsan ee Daroogada soo xambaarsaday. Ninka wafdiga caalim ka mid ahaa ayaa hada ku xiran xabsi aan la aqoon oo lagu xiro dadka Daroogada ka ganacsada ,waxaana magaciisa lagu sheegay ninkaas Warsame Sooheed . Daroogada ninkaas lagu qabtay ayaa ahayd sida Booliska laga soo xigtay mid ganacsi ahaan loogu waday dalal Yurub ah gaar ahaan dalka UK . Booliska ka hortaga dambiyada Daraagiska ayaa wali su’aala iyo ciqaab jirdil ah ku haya Warsame Sooheed oo 47-jir ah kaas oo hadii uu dambigaas ku cadaado muteysan doona xarig dhan 40-sano sida sharciga Kenya uu qabo. Madaxweynaha K/Galkacyo Axmed Caalim ayaa xaalkiisa isna uu yahay mid aloow sahal ah , waxaana cabsi laga qabaa inuu Warsame sooheed sheego in Caalim dhiilka lug ku lahaa taas oo keeni doonta in isna ay Booliska taxaabaan oo dambiga uu dhinac ka wadaago. Ganacsato ku heyb ah madaxweynaha K/Galkacyo ayaa wada qorshe ay kaga saarayaan Caalim magaalada Nairobi , waxaana ay wadaan isku dayo ay doonayaan in ay Booliska dhaqdhaqaaqiisa loo xilsaaray ay laalush ka siiyaan kana dhoofiyaan kadib garoonka macmalka ah ee qaadka laga dhoofiyo Welson Airport. Kiis dambiyeedka lagu helay nin ka tirsan wafdigii Caalim waxaa ay sharaf daro u tahay Caalim iyo maamulka k/Galkacyo oo isu heysta iney yihiin maamul dawli u eg ha yeeshee kiiskaan ayaa dhigaya in lagu tilmaamo maleeshiyo beeled is fahamtay oo wali ku dhegan dhaqankii maleeshiyanimo maadama Daroogo kontarobaan ah ay soo raaciyeen nin wada madaxweynahooda. Caalim oo madaxweyne ka ah 30-guri oo K/Galkacyo ku taala iyo 23-isbaaro ayaan la aqoon mustaqbalkiisa hadii kiiskaan uu raadkiisa soo galo, inkastoo inta badan beesha uu ka soo jeedo ee Sacad ay saluugsan yahay, maadaama uusan laheyn muuqaal Madaxeed. Tan iyo markii la waayey dawladda dhexe waxaa soo baxaya maamul beeledyo ay horkacayaan hogaamiya maleeshiyayaal isu ekeysiinaya nidaam dowli ah , ha yeeshee waxaa fahamka laga heysto uu noqday xiliyadii u dambeeyey mid iska cad. Waa mas’uulki ugu horeeyey ee wata daraagis nuucaas ah kaas oo Daroogo lagu qabto nin wafdigiisa ka tirsan, inkastoo Madaxweyne Caalim lagu tiriyo dadka sida weyn ay ula degtay balwada noocyadeeda xun. Nur Xuseen Jideed ironboy143@hotmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
dambarsame Posted April 9, 2010 war waxakan xaggee ka keentay war xun lama fidiyee or the person who his email appears the beneath had sent it to you privately Quote Share this post Link to post Share on other sites