Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxda dawlad goboleedyada iyo DFS oo ka doodaya doorashada dawlad goboleedyada

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1715681465610.jpg?resize=721%2C48

Magaalada Muqdisho waxaa maalintii labaad ka socda shirka madaxda dawladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada, kaas oo looga hadlayo sida madaxtooyada federaalku sheegtay dhameystirka dastuurka KMG ah iyo dagaalka Al-shabaab.

Shirka ayaa maanta si adag looga doodayaa doorashada dawlad goboleedyada oo intooda badan uu waqtigoodii dhacay, laakiin shirkan kii ka horreeyay muddo kordhin loogu sameeyay.

Heshiiskaasi ayaa sheegayay in doorashada golayaasha deegaanka la qabto bisha soo aadan ee Juun, tan madaxawyenayaasha dawlad goboleedyadana la qabto bisha Noofeembar ee sanad kan.

Madaxweynaha dawladda federaalka Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud ayaa ku adkaysanaya inuu isago maamulo doorashada dawladda goboleedyada taas oo ay ka biyo diidsan yihiin madaxda dawlad gobolleedyada Koonfurtu.

Macadda nooca doorashada ee qof iyo cod ah in ay ka hirgali doonto dawlada goboleedyada sanad kan, maadaama aanba la sameyn diiwaan galinta cod bixiyayaasha iyo magacaabidda guddiga doorashooyinka qaranka.

Puntland oo iyadu heshiiskaas la gaaray sanad kii hore aan qayb ka ahayn ayaa doorashadeeda qabsatay bishii Janaayo ee sanad kan 2024, waxaana mar kale xilka ku soo laabtay madaxweyne Siciid Cabdillaahi Dani oo xiriirkaba u gooyay dawladda federaalka.

PUNTLAND POST

The post Madaxda dawlad goboleedyada iyo DFS oo ka doodaya doorashada dawlad goboleedyada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this