Sign in to follow this  
Deeq A.

James Swan oo markale loo magacaabay wakiilka gaarka ah ee qaramada midoobay

Recommended Posts

Deeq A.   

a6af5400-1270-11ef-b9d8-4f52aebe147d.jpg

Xog hayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa wakiilkiisa gaarka ah ee Soomaaliya u magacaabay James Swan, oo ah diblomaasi u dhashay dalka Mareykanka.

Waxa uu xilkan u sii hayn doonaa si kumeel gaar ah sida magacaabidda ku xusan.

Mr Swan ayaa sidoo kale loo xushay inuu noqdo madaxa xafiiska qaramada Midoobay ee ka howl gala Soomaaliya.

James Swan kuma cusbo Soomaaliya oo waxaa uu horey u soo noqoday wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.

Waxa uu badeli doonaa Catriona Laing oo u dhalatay dalka UK oo iminka uu mudda xileedkeedu dhamaaday.

Waa kuma James Swan?
James Swan 30-kii Bishii May ee sanadkii 2019 ayaa loo magacaabay wakilka xoghayaha guud ee qaramada Midooben ee soomaalya xilkaasi oo uu hayay ilaa 2022-kii.

Waxa uu baddalay xilligaasi danjire Nicholas Haysom oo u dhashay dalka Koonfur Afrika oo sanadkii 2019 dowladda Soomaaliya ay ka eriday dalka kaddib markii ay ku eedeysay in uu fara gelin ku sameeyay hawlaheeda khaaska ah ee gudaha.

Waxyaabaha lagu xusuusto Swan waxaa ka mid ah doorkii uu ka qaatay doorashadii aadka loogu murmay ee sanadkii 2021-kii.

Mr. Swan ayaa lagu qeexay inuu yahay diblomaasi khibrad leh oo muddo dheer kasoo shaqeeyay caalamka, howlo bandanna usoo qabtay dowladda Mareykanka.

Wuxuu horay u ahaa wakiilka gaarka ah ee dowladda Mareykanka u qaabilsan dalka Soomaaliya.

Xirfaddiisa shaqo xilligeedii hore, Mr Swan wuxuu soo noqday ku xigeenka kaaliyaha xog hayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee arrimaha Afrika laga billaabo 2006-dii ilaa 2008-dii.

Waxa uu sidoo kale muddo hal sano ah oo u dhaxeysay 2005-tii ilaa 2006-dii soo noqday Agaasimaha Afrika ee hay’adda sirdoonka iyo cilmi barista ee Mareykanka.

Mr Swan ayaa shaqooyin kala duwan kasoo qabtay dalalka Koongada Dimuqraaddiga ah, Koongo, Soomaaliya, Cameroon, Nicaragua iyo Haiti.

Magacaabistiisa ayaa ku soo aadaysa xilli ay dolwdda soomalaiya ka fikirayso xidhitaanka xafiiska howlaha Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale magacaabidisa ku soo beegmaysa xilli uu khilaaf xooggan ka taagan yahay arrimaha wax-kabadelka dastuurka Soomaaliya

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this