Deeq A. Posted May 14 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada oo maanta ka furmay Madaxtooyada Qaranka. Shirka ayaa waxaa ka maqan Puntland iyadoo ay ku sugan yihiin madaxda dawladda federaalka Soomaaliya madaxweyneyaasha Jubaland, Galmudug, Hirshabeelle, Koonfurgalbeed iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir. Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in shirka looga hadlayo xaaladda amniga dalka, gaar ahaan dar dargelinta dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab iyo dhameystirka dastuurka dalka. PUNTLAND POST. The post Shirka golaha wadatashiga qaran oo ka furmay Muqdisho appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites