Sign in to follow this  
Deeq A.

Mayor-ka degmada Burco oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Siyaasi Kayse Guray

Recommended Posts

Deeq A.   

Duqa degmadda Burco oo xafiskiisa ku qaabilay Wasiir ku xigeenkii hore wasaradda Qorshaynta qaranka ahaana Wasiir ku xigeenkii Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee Jsl Sidoo kalena soo noqday Agaasimihii Guud ee Wasaaradda arimaha Gudaha Xukumadihii M.Silaanyo iyo daahir riyaale mudane Axmed Kayse Aadan Ismaciil
img_10_1715540751289.webp

img_9_1715540722559.webp

img_8_1715540698795.webp

img_7_1715540650109.webp

img_4_1715540590746.webp

img_3_1715540576639.webp

img_2_1715540555510.webp

img_1_1715540535710.webp

img_3_1715538882074-1.webp
Burco-12-05-2024 Mayor-ka degmada Burco Maxamed Xirsi Axmed oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Wasiir Hore Axmed Kayse Aadan Ismaciil oo kamid ah Haldoorka iyo aqoonyahanada u dhashay degmada Burco kaasi oo in mudo ah ku maqnaa Qurbaha, Axmed Kayse Aadan Ismaciil ayaa soo noqday wasiir ku xigeenadii Hore ee wasaaradaha Qorshaynta qaranka, Arimaha dibada iyo iskashiga caalamiga ah iyo agaasimihii Guud ee Wasaarada Arrimaha Gudaha, sidoo kalena ahaa aqoonyahan bare sare ka ahaa Jaamacadiihi magaaladda Muqdisho/Xamar wakhtiyadii hore.

 

Wasiir Hore Axmed Kayse Aadan Ismaciil oo dhawaan dalka dib ugu soo laabtay ayaa duqa degmada Burco kala hadlay iskana xog waraysatay Xaalada degmada iyo Hawlaha Shaqo ee Mayor-ku u hayo bulshada Burco waxayna kala qateen Talooyin iyo fekraddo ku saabsan horumarinta degmada Burco, isagoona ku bogaadiyay duqa degmada isbadalka iyo dadaalka uu muujiyay mudadii uu joogay Xafiiska.

Sidoo kale wasiir hore Axmed Kayse Aadan Ismaciil ayaa duqa degmada Burco ku wareejiyay buuggaag ku saabsan shaqooyinka dowladdaha hoose si ay uga caawiyan shaqadooda maalinla ah.

Kulankaasi waxa goob Joog ahaa Mayor-ku xigeenka degmada Burco Suldaan Jaamac Nuux Xildhibaan Muuse Umal Abees, Xildhibaan Axmed Ducaale iyo Siciid Aadan Ismaciil oo ay walaalo yihiin Axmed Kayse Aadan Ismaciil.

Ugu danbayn kulanka ayaa ku soo dhamaaday Jawi degan iyo in gacmaha la isku qabsado horumariinta degmada Burco laguna soo hogaamiyo Magaalada dadka u dhashay ee qurbaha jooga Iyadoo la ajiibaayo baaqyadii kala duwanaa ee duqa degmada Burco uu ka jeedinayay qurbaha uguna horayso wada tashiga, Talooyinka, wax wada qabsiga iyo wixii lagu soo biirin karo horumarinta degmada Burco.

Xafiiska Warbaahinta DHB.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this