Sign in to follow this  
Deeq A.

Ma wax ayaa iska badalay heshiiskii MOU- Itoobiya iyo Somaliland?

Recommended Posts

Deeq A.   

mou.png

Waxa jira warar isi soo taraaya oo sheegaaya in ay dawlda Itoobiya doonayso in ay biyaha bada ee Somaliland soo gasho iyada oo aan Somaliland u aqoonsan dal madax banaan, hase ahaatee ay Itoobiya fuliso dhamaan qodobadii ganacsi ee ay la gashay Somaliland, mana jirto cid aragtay wixii ay labada dhan ku heshiiyeen ee ku qoran MOU.

Waxa ay wararku sheegayaan in xukuumadda Muuse Biixi ay arinkaasi gabi ahaanba ay diiday oo labada dhinac arinkoodu uu cakirmay xukuumadda Muuse Biixi ayaa shicibka reer Somaliland ka iibisay in saldhiga milatari ee Ethiopia ay Somaliland siin doonto lagu badashay aqoonsi caalami ah oo ay Itoobiya ku dhawaaqdo iyo in wax laga helo faa’iidada shirkada diyaaradaha ee Ethiopian Airlines.

Wararku waxa ay sheegayaan in dawlada Imaaraadku ay arinka labada dal ee Itoobiya iyo Somaliland ay soo dhex gashay oo ay dhex dhexaadinayso sidii uu u hir galilahaa heshiiska labada dhinac, waxana jira war sheegaaya in madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu dhawaan u socdaali doono dalka Imaaraadka mana jiraan war rasmi ah oo xaga madaxtooyada ka soo baxay oo ku saabsan socdaalka madaxweynaha.

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan khilaafkani cusub ee la sheegayaa oo ka soo baxay xaga Somaliland iyo Itoobiya toona.

Hase ahaatee mar uu todobaadkani warbaahinta la hadlay wasiirka arrimaha dibada ee Somaliland waxa uu sheegay in heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland ay wada galeen uu gabo gabo ku dhawyahay.

Shicibka Somaliland marnaba ogolaanmaayaan in dawladda Itoobiya ay xadkeeda ka soo talowdo iyada oo aan aqoonsanayn Somaliland wax la aqbalayana maaha in biyahabada ee Somaliland in Itoobiya timaado iyada oo aan ku dhawaaqin aqoonsiga Somaliland.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this