Sign in to follow this  
Deeq A.

Spain, Ireland iyo Slovenia oo qorsheynaya inay aqoonsadaan Falastiin 21-ka May

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxa siyaasadda arrimaha dibedda ee Midowga Yurub Josep Borrell ayaa sheegay in Spain, Ireland, iyo Slovenia ay qorsheynayaan inay aqoonsadaan dowlada Falastiin 21-ka May.

Arrintan ayey hore u baahisay warbaahinta dowlada Ireland oo sheegtay in xukuumadooda aqoonsan doonto Waddanka Falastiin 21-ka May.

Borrell ayaa arrintan xaqiijiyey isagoo sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Spain Jose Manuel Albares u sheegay isaga, isla markaana Khamiistii shalay ay dowlada Slovenia bilowday dadaalka lagu aqoonsanayo dawladnimada Falastiin.

Wuxuuna intaasi ku daray “Malaha, intaas ka dib, waxaa jiri doona dalalka sida xukuumada Belgium oo iyadana ka fiirsanaysa aqoonsiga Falastiin, laakiin waxay dib u dhigtay go’aankaas iyada oo raadinaysa dalal badan ay ku soo biiraan go’aankaas,” ayuu yidhi Borrell.

Waddamada kale ee Midowga Yurub oo ay ku jiraan Malta iyo Norway ayaa iyaguna dhawaan sheegay inay doonayaan inay aqoonsadaan dawlada falastiin marka ay suurtogal tahay.

Khamiista, Wasiirka Arrimaha Dibada ee Spain Albares ayaa sheegay in inkasta oo uusan xaqiijin karin xiliga lagu dhawaaqayo ee 21ka May, wuxuu carrabka ku adkeeyay in go’aanka la qaatay si loo aqoonsado qarannimada Falastiin.

Hoggaamiyaha Ireland Simon Harris ayaa sidoo kale ballan qaaday inay go’aankan ku dhaqaaqi doonaan goor dhaw.

Dhanka kale, dowladda Slovenia ayaa rabta inay codsi rasmi ah u dirto baarlamaanka si ay u aqoonsadaan dowladda Falastiin kahor 13-ka June.

Madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub ayaa ku ammaanay waddamada u dhaqaaqaya aqoonsiga dawlad Falastiini ah khudbad uu ka jeediyay Madrid Khamiistii shalay, isagoo sheegay in fikraddu ay ” xidid ku leedahay mabaadi’da difaaca xuquuqda aadanaha.”

Hore ayey sagaal kamid ah 27-ka waddan ee EU waxay aqoonsadeen Falastiin, iyadoo dowlada Sweden ay tahay tii ugu dambaysay oo go’aankaa ku dhaqaaqday sannadkii 2014.

Toddobaadyadii la soo dhaafay, wadamada Kariibiyaanka – Barbados, Jamaica, Trinidad & Tobago, iyo Bahamas – waxay aqoonsadeen Falastiin dawlad ahaan. Hadda, dhammaan 14-ka xubnood ee Beesha Kariibiyaanka ah ayaa ku mideysan mowqifkan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this