Somalina Posted November 3, 2010 November 2, 2010 Masuul ka tirsan Dawladda Yemen ayaa ka deyriyey in Yemen ay lamid noqon karto dalka Soomaaliya hadii ay kusii socoto waqtiga xaalada ay ku jirto. Wasiir kuxigeenka Maaliyada ee dalka Yemen Jalaal Yacquub oo u waramaayay Telefishinka CNN xafiiska ay ku leedahay dalka Britain ayaa sheegay in hadii aan kor loo qaadin maalgashiga lagu sameeyo dalkaas Yemen ay la mid noqon karto Soomaaliya. Wuxuu sheegay in Yemen ay tahay wadan awood leh oo Dawlad ka jirto balse hadii aan maalgashi badan lagu sameyn ay xaaladeeda isku bedeli karto Soomaaliya. Wasiir kuxigeenka Maaliyada ee Yemen ayaa sidoo kale sheegay in shacabka Yemen aysan helin wax xuquuq ah waqtigaan kaas oo ah mid loogu talagalay in ay helaan. Hadalka Wasiir kuxigeenka Maaliyada ee Yemen ayaa imaanaya xilli Dawladda Yemen ay heegan gelisay amniga dalkeeda waayadan,iyadoo diyaarado nooca xamuulka qaada oo ka yimid Yemen laga helay bambaanooyin. Kooxaha xagjirinta sida Al-qaacida ayaa sanadihi lasoo dhaafay kusii xoogeysanayay gudaha dalkaas Yemen,waxaana ay dagaal ku qaadan goobaha Dawladda. Horseed Media Quote Share this post Link to post Share on other sites