Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan “doorasho qof iyo cod ah ayaan ballanqaadnay, waana hirgalinayaa”

Recommended Posts

Deeq A.   
437533839_869259938578480_82729433051910

Madaxweynaha Dawladda Federalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo shalay oo jimce ahayd khudbad ka jeediyey masjidka isbahaysiga ee magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay wax ka badalka dastuurk, doorashooyinka, dagaalka As-habaab iyo arimaha siyaasadda Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh yaa sheegay inuu ka dhabeeyey dhamaystirk dastuurka iyadoo aysan beesha caalamku ka taageerin “waxaan ka dhabeynay in dastuurkeena uusan noqon mashruuc caalamka lacag looga qaato, dooda dastuurka weli waa furan tahay oo qofkii wax ku daraya waa la soo dhoweynayaa” ayuu yiri madaxweyne Xasan Shiikh.

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sidoo kale ka hadlay doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan 2026, waxaana uu ku celiyey inay diyaariyeen doorasho dadweyne oo qof iyo cod ah islamarkaana uusan ku laaban doonin Teendhadii isaga lagu soo doortay.

“Doorasho qof iyo cod ah ayaa ballanqaadnay, waana hirgalinayaa alle idinkiis, dadkeenana waa in ay dortaan cida danahooda iyo mustaqbalkooda ka shaqeynaysa” ayuu hadalkiisa raaciyey Madaxweyne Xasan Shiikh.

Hadalka madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa xoojinaya khilaafka kala dhexeeya Puntland oo si weyn uga soo horjeeda wax ka badalka dastuurka iyo arimaha doorashooyinka xili aysan ay cadayn qaabka doorasho dadweyne ay uga hirgali karto Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Xasan “doorasho qof iyo cod ah ayaan ballanqaadnay, waana hirgalinayaa” appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this