Emperor Posted December 20, 2008 Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma-Dheere) 3 cisho ayaan ku soo dhisi doonaa Golaha Xukuumada Posted to the Web Dec 20, 16:48 Baydhabo:-Ra'iisul Wasaaraha cusub ee uu maga caabay Madaxweynaha DFKM C/llaahi Yuusuf Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma-dheere) ayaa maanta waxaa uu shir jaraaid ku qabtay guriga uu ka degan yahay Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay. Gacmo-Dheere ayaa waxaa uu shirkiisa jaraaid hambalayo ugu diray sanad guur adii ka soo wareegtay markii la aasaasay ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee ku beegan maanta oo ay taariikhdu tahay 20 Decembar. Gacmo-Dheere ayaa waxaa uu shirkiisa jaraaid ku sheegay in mudo 3 cisho ah ka dib uu soo dhisi doono Gole xukuumada ka dibna uu horgeyn doono Golaha Baarlamaanka si uu kalsooni uga hello. Ra'iisul Wasaaraha cusub ee uu magacaabay Madaxweynaha DFKM C/llaahi Yuusuf Axmed Maxamed Maxamuud Guuleed ayaa waxaa uu shirkiisa jaraaid kaga hadlay khilaafka hareeyey madaxda ugu saraysa ee DFKM isagoo ku baaqay in la joojiyo khilaafka wadahadalana lagu dhameeyo khilaafka jira. Ra'iisul Wasaaraha cusub ee uu magacaabay Madaxweynaha DFKM C/llaahi Yuusuf Axmed Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma-dheere)ayaa waxaa uu shirkiisa jaraaid ku xusay in Xukuumadii uu hogaamiyo Ra`iisal wasaare Nuur Cadde uu waqtigeedii uu dhamaaday dadaaladada ay wadaana aysan waxba u dhimi doonin xukuumada cusub ee uu soo dhisayo. Shirka jaraaid ee Ra'iisul wasaaraha cusub ee Gacmo dheere ayaa waxaa uu ku soo beegmay xili maanta uu magaalada Baydhabo ka dhoofay madaxweynaha DFKM C/llaahi Yuusuf Axmed isagoo gaaray dalka Kenya si uu wadahadlo ula yeesho Madax ka tirsan ururka IGAD iyo Beesha Caalamka. Cabdicasiis Axmed Halgan.net Quote Share this post Link to post Share on other sites
Emperor Posted December 20, 2008 Shirka jaraaid ee Ra'iisul wasaaraha cusub ee Gacmo dheere ayaa waxaa uu ku soo beegmay xili maanta uu magaalada Baydhabo ka dhoofay madaxweynaha DFKM C/llaahi Yuusuf Axmed isagoo gaaray dalka Kenya si uu wadahadlo ula yeesho Madax ka tirsan ururka IGAD iyo Beesha Caalamka. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted December 20, 2008 He is not seriouse lol 2 prime minister nur cade sheikh sharif , ina rayaale are all in jabuuti. odaygii waloo tashanaya Quote Share this post Link to post Share on other sites
Emperor Posted December 20, 2008 ^LOol, Xukuumada cusub ayaa lasoo magacaabi Odaga ha isaga tashadaan, what do you think Sheikh Shariif iyo Ina Riyaale and Djibouti can do, isku daroo bal think maxay tabar hayaan? Quote Share this post Link to post Share on other sites