Sign in to follow this  
Suldaanka

The last straw that broke the back of the Laaska folks in Garoowe

Recommended Posts

^^Ma laga yaaba in Af Qudhac soo hor kaco kooxda Hargeisa usoo jeeda?

 

 

Originally posted by Dabshid:

Waxba ha gawsa cadaynina, LA wa la iska daba iman? Ciyaari waa gelin danbe.

 

I can see u feel so happy for the oppression of LA people.

Reer Lascaanood waa kuwa dhulkoodii xukumaya awoowe. Nimanka Garoowe jooga waa niman naxli qabyaaladeed indho tiray. Sida ninkaa afhayeenka u ahi sheegayna waxay u eegtay inay dead-end soo taabteen waxay ordaanba.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Odayaashii Beesha Jaamac Siyaad oo dib Xoriyadoodii uhelay saddex casho kadib

 

Waxaa maanta lasii daayay oo dib xoriyadoodii loogu soo celiyay Odayaashii Beesha Jaamac Siyaad odaayshaas oo saddex maalmood ku xidhnaa duleedka magaalada Laascaanood ayna xidheen ciidamada Somaliland kadib markii ay kasoo kicitimeen dhanka magaalada Garowe.

 

Odayaashan ayaa waxaa lagu eedeeyay inay wadeen hawlo ka dhan ah abaabul iyo kicin dadwayne oo ay ka samayn lahaayeen magaalada Yagoori oo ka socotay hawl xasaasi ah oo ku aadan Hub yaalay Xerada Tima waynta oo oo la isku hayay qaabka looga saari lahaa goobtaasi looguna wareeajin lahaa ciidamada Somaliland qaybta Mahad Canbaashe.

 

Waxa ay goobtaasi ku xidhnaayeen muddo saddex casho ah iyadoo maalinimadii shalay lasii daayay Oday Caaqil Axmed Cabdi Gaas Cawke uuna ukicitimay dhanka magaalada Hargeisa oo uu kasii galayay safar dhanka dibada ah oo uu u aadayo caafimaad ahaan iyadoo ay goobtii ay Odayaashu ku xidhnaayeena ay ku hadheen afar Oday.

 

Hadaba waxaa manta lasii daayay afartii Oday ee kale oao kala ahaa Caaqil Siciid Cashuur Abyan,Caaqil Salaad Xuseen,Kayse Maxamuud Indhataag iyo C/laahi Bilaale kadib markii ay masuuliyiinta Somaliland ee Gobolkla Sool ay cafis ufidiyeen ayna ka codsadeen Odayaasha inay isaga baxaan hawlaha ay ku jireen ayna xor uyihiin inay joogaan Gobolkooda.

 

Mar aan wax ka waydiinay Odayaashii laga sii daayay goobtaasi qaabkii loola dhaqmay markii ay ku xidhnaayeen saldhiga ciidamada military ga Somaliland ayaa waxa ay sheegeen inaysan wax dhib ah arag si wacana loo la dhaqmay ayna ciidamadii iyo saraakiishii gacanta ku hayay waxba ugaysanin.

 

Isku soo wada duuboo Odayaasha Beesha Jaamac Siytaad ee kau xidhnaa Saldhiga military ee duleedka magaalada Laascaanood ayaa waxa ay maanta dib uheleen xoriyadoodii waxaana markii lasii daaayay ay masuuliyiinta Somaliland ee Gobolka Sool ay shir kula qaateen Hotel Xamdi halkaas oo ay kaga wada hadleen xaaladaha ka jira Gobolka.

 

 

axoriyad1.JPG?0.4083312470663197

Share this post


Link to post
Share on other sites

Garoowe(Jidbaale.com):-Ugaas Faarax Xaaji Maxuud(Faarax Dheere) oo ka mid ah Isimada Puntlnad kana soo jeeda Gobolka Sool,ayaa sheegay in Beesha uu isimka u yahay ay u cadaatey in aanu maamulka Puntlnad diyaar u ahayn wax ka qabashada Xaallada Gobolka Sool.

 

 

Ugaaska ayaa hadalkan ka sheegay maanta xili uu ka qayb galayey, shir ay lahaayeen Isimada Puntlnad,ee haatan ku sugan Garoowe,shirkaasi oo lagaga hadlayey xaaladaha qalafsan ee ka taagan Puntlnad.

 

Shirkan oo ay sidoo kale ka hadleen Isimo ka soo jeeda Gobollada Nugaal iyo Sanaag ayaa waxaa diiradda lagu saaray,arinka Gobolka Sool, iyo guud ahaan xaaladda Puntlnad,ay marayso,iyadoo isimadii ka soo jeedey Gobolka Nugaal,halkaasi ka sheegeen in aysan ogayn ama muuqan Maamul arimaha taagan wax ka qabanaya,ayna u banaan tahay Beeshii talladeeda la baxaysa.

 

Ugaaska ayaa jidbaale.com u sheegey shirkaas kadib,in uu u sheegayo Beelaha SSC in la gaadhay xiligii dhabta ahaa,ee beeshu ka bixi lahayd,in sifaynta Gobolka Sool,laga sugi lahaa Maamulka Cadde,isagoo intaasi raaciyey in C.laahi iyo Cadde, ay arimahan wax iskaga og yihiin,

 

Waxaanu ugaasku ugu baaqay Beesha in ay isku tashato,Tuka-raq,Boocame,ama Buurra-wadalna, layskgu tago,isagoo sheegay in uu saacadaha soo socda iskaga baxay Garoowe.

 

Maalmo ka hor uun ayey ahayd markii afhayeenka Beelaha SSC Cali Cilmi Warsame (Cali Maraykan), uu warbaahinta ka sheegay in la gaadhay xiligii Beeshu ka tashan lahayd Maamulka Puntlnad,sidoo kalena uu eedeeyey kulul dusha uga tuuray C/laahi Yuusuf,Cadde,Malez iyo Riyaale oo uu ku sheegay in ay arinka qabsashada Laascanaood wax iskaga og yihiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this