Sign in to follow this  
Cowke

Puntland Ministry Of Health Attends Health Student Graduate Ceremony. (PICS))

Recommended Posts

Cowke   

Wasiirka Caafimaadka Puntland oo Shahaadooyin Gudoonsiiyey Arday Baratay Caafimaadka (Sawiro)

 

Garowe (RBC Radio) Machadka Caafimaadka ee Xaaji Cabdi ee magaalada Garowe, ayaa maantey waxaa uu qabtey xaflad balaaran oo ardey machadka ka qalin jabisay Shahaadooyin lagu gudoon siinayay.

 

Wasiir Caafimaadka oo Ardey Shahaado gudoonsiinaya

Xafladan qalinjabinta ardeyda Machadka Caafimaadka ee Xaaji Cabdi ee Magaalada Garowe ayaa lagu qabtey Hoolka shirarka ee Wasaaradda Caafimaadka Puntland, waxaana kasoo qaybgalay munaasibadii shahaado siinta Wasiirka Caafimaada Dr. Cali Cabdulahi Warsame, Wasiirka Cadaalada iyo arimaha diinta, wasiiru dawlaha Maamul wanaaga, wasiir ku xigeeno, Xildhibaano golaha baarlamaanka ka tirsan, aqoonyahan, odayaasha, Haweenka iyo ardeyda machadka Caafimaadka ee Xaaji Cabdi.

 

 

Ismaaciil Xaaji Cabdi oo ka mid ah maamulka machada ka Caafimaadka ee Xaaji Cabdi ayaa ka warbixiyey Machadka goortii la furey inta dufcadood ee ka baxday iyo tirada ardey ee Iskuulka dhigata, wuxuuna sheegay in Machadka Xaaji Cabdi la furey sanadkii 1995 waxaana furey Maamulihii hore ee Machadkii Caafimaadka Soomaaliya Xaaji Cabdi, waxaana dufcadii u horeysay ay ka baxday 1997.

 

 

WASIIRKA IYO NABADOON SHIIKH CALI OO ARDEYDA DHEXTAGAN

 

Ismaaciil Xaaji waxaa uu sheegay in machadku uu xirmay sanadkii 1998 kadib markii uu Maamulihii Machadku Xaaji Cabdi, Machadka Xaaji Cabdi ayaana xirnaa tan iyo sanadkii 2004-tii markaas oo dib boorka looga jafay isagoo wixii xiligaa ka danbeeyeyna hawshiisa si fiican u waday.

 

Dufcadii labaad ee Machadka ka baxda waxay qalin jabiyeen 2007 iyadoona ay ku xigtey Dufcadan maanta nasiibka u heshay in shahaadooyinka uu gudoonsiiyo Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr. Cali Cabdullahi Warsame,19 ardey ee qalinjabisay ayaa dhamaantood ah kalkaaliyeyaal sare.

 

 

Wasiirka Garsoorka, Wsirka Cafimadka iyo wasiiru dawlaha Maamul wanaaga

 

Wasiirada Garsoorka iyo maamul wanaaga oo madasha ka hadley ayaa qirey baahida Caafimaad ee dalka ka jirta iyo sida loogu baahan yahay in lasoo saaro jiil cusub oo wax ka badala dhibaatooyinka dhanka Caafimaadka ka jira, waxayna masuuliyiintan ugu baaqeen ardeyda qalin jabisay inay horey u socdaan ayna aqoontooda Caafimaad sii balaarshaan ayna inta yar ee ay barteena uga faa’ideeyaan dadkooda iyo dalkooda oo aysan meel iskala fariisan aqoonata.

 

 

Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr. Cali Cabdullahi Warsame ayaa isaguna madasha ka hadley, waxaana uu hanbalyo iyo bogaadinba u jeediyey ardeyda maantey qalin jabisay isagoo tilmaamay inay maantey wasaaradda Caafimaadka iyo ardeydaba u tahay Maalin farxad iyo qiimo badan, wasiirku wuxuu sheegay in baahi Caafimaad oo balaarani inay dalka ka jirto oo loo baahan yahay dhalinyaro waxbaratey kuwaas oo qayb lixaad leh ka qaata wax ka qabashada baahiyaha dhanka caafimaadka dalka ka jira.

 

Wasiirku wuxuu sheegay in ardeydan ay u raadinayaan sidii ay shaqooyin ku heli lahaayeen wuxuuna tilmaamay in iyagu ay leeyihiin muhiimada koowaad ee shaqo siinta, wuxuuna taas uga dhigayay dhiirigalin, ardeyda kale ee hada dhigata Machadka ayuu Wasiirku ku booriyey inay aqoontooda sii wataan si ay u soo gaaraan maalintan farxada badan oo kale ee Shahaadooyinka ardeyda lagu siinayo.

 

Ugu danbeyntii ayaa Xaflada waxaa lagu soo gabogabeeyey shahaado gudoonsiinta ardey, waxaana ardeyda shahaadooyinka gudoonsiiyey wasiirka wasaaradda Caafimaadka ee Puntland Dr. Cali Cabdullahi Warsame.

 

Jawiga Xaflada ayaa ahaa mid dagan, waxaana aad hoolka wasaaradda ee xafladu ka socotey soo buuxiyey ardeyda Machadka, waxayna ardeyda Machdku ay sacab ku soo dhaweynayeen ardeyda Shahaadooyinka la siinayo marka loo yeero, waxayna xafladu ku soo dhamaatey jawi farxad iyo raynrayni ka muuqato.

 

RBC Radio

Garowe

 

WASIIRKA-OO-SHAHAADO-GUDOONSIINAYA-ARDEY

 

WASIIRKA-IYO-NABADOON-SHIIKH-CALI-OO-ARD

 

wasiro.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Arday Ka Qalin Jebisay Machadka Caafimaadka Xaaji Cabdi Ee Magaalada Garoowe (Sawiro)

June 23, 2010

 

19 Arday ayaa maanta ka qalan jabisay Machadka Caafimaadka ee Xaaji Cabdi,Ardaydaan ayaa waxaa Munaasabad balaaran loogu qabtay Xarunta WasaaradaCaafimaadka ee Magaalada Garoowe.

 

Munaasabadan ayaa waxaa kazoo qaybgalay Wasiirka Caafimaadka

Puntland Dr.Cali Cabdulaahi, Wasiirka Maamul Wanaaga,Wasiirka Cadaalda Iyo dhaqan calinta,Wasiir Ku xigeenka Wasaarda Caafimaadka,Agaasimaha Guud ee Wasaarada Caafimaadka,Madax ka socotay Hay’addaha samafalka ee joogta qaybtooda iyo ardayda dhigata machadka iyo ardaydii qalan jabinaysay.

 

Munsaabadan ayaa waxaa ka hadlay masuuliyiin kala gadisan kuwaas ka hadlaaya faa’idooyinka uu ahaayo machadkaan dadka Puntland iyagoo sidoo kale ardayda qalan jabinaysay ugu mahadceliyay mudada ay u dhabar adeegeen waxbarshada ee maanta ka qalan jabinayaan.

 

Wasiirka Maamul Wanaaga ee Dawlada Puntland Maxamed Ciise Faarax Gaashaan ayaa ka hadlay muhiimada ay waxbarshadu leedahay isagoo tusaale usoo qaatay naftiis sheegayna inuu waqtigaan wax barto oo uu dhigto jaamacada bariga Africa ee magaalada Garoowe.

 

Md.Gaashaan ayaa intaa ku daray in ardaydaan loo baahan yahay in ay wadaan waxbarashada inta ay hada barteen ay dhalinta uga faa’ideeyaan.

 

Wasiirka Cadaalada iyo Dhaqan Celinta Md Cabdi Khaliif ayaa isna

goobtaan ka hadlay waxaan uu sheegay muhiimada waxbarashda Puntland ay leedahay waxaana uu ku amaanay machadka Xaaji Cabdi inuu yahay mid wax soo saar wayn leh loona baahan yahay in wax lala qabto.

 

 

Wasiirka ayaa intaa ku daray in maamulka iyo maclimiinta machadka Xaaji Cabdi in ay wadaan dadka ay wadaan oo aysan kadaalin.

 

Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr. Cali C/laahi Warsame ayaa isna ka

hadlay goobtaa,waxaan uu sheegay in uu uga hanbalyaynayo machadka Xaaji Cabdi inuu uu soo saaro Ardaydaan ayna wasaarada ahaan ardaydaan muhiimada wayn saari doonaan sidii ay shaqo ula raadin lahaayeen.

 

Wasiirka ayaa intaa ku daray in ardaydaan ay ku dadaali doonaan sidii aysan u dhaafi lahayan goblka nugaal oo ay kalkaaliyo caafimaad si wayn loogu baahan yahay kaabayaasha caafimaad si kor loogu qaado.

 

Dr Cali C/laahi Warsame ayaa ugu danbayntii waxaa uu sheegay in

wasaarada caafimaadka ay aqoonsan tahay machadka Xaaji Cabdi iyo

machadka kale ee caafimaadka ee ku yaala magaalada Boosaaso.

 

Ardaydaan maanta qalin jabinaysay ayaa waxaa isla goobta munaasabad loogu qabtay lagu gudoon siiyay shahaadadi machadka.

 

Maxamed Saciid Yuusuf

Wakiilka Horseed Media

Garoowe-Puntland

 

618.jpg

 

419.jpg

 

130.jpg

 

Wasiirka-Caafimaadka.jpg

 

Wasiirka-Maamul-wanaaga-Puntland.jpg

 

523.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this