General Duke Posted February 5, 2005 Soo Dhoweyntii ugu Balaarnayd oo Xarunta Villa Soomaaliya loogu Sameeyey Xubnihii Ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya Posted to the Web Feb 05, 15:53 Muqdisho:- Xubnihii dowladda federaalka Soomaaliya ka joogay magaalada Muqdisho ee dhawaan soo gaaray ayaa maanta soo dhaweyn balaaran loogu sameeyay xaruuntii hore Villa Soomaaliya oo ay gacanta ku hayaan taageerayaashii Xuseen Caydiid. Xubnahan oo ay ka mid ahaayeen Cumar xaashi Aadan , gudoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka soomaaliya Mudane Cismaan Boqore oo isagu hogaaminayay wefdigii khamiistii muqdisho yimid, waxaana hlkaa isu soo baxay taageerayaasha ururka USC/SNA oo uu hogaamiye ka ahaan Jiray Jen : Maxamed Faarax Caydiid. Hadal kooban oo uu Cumar Xaashi Aadan ka jeediyay ayuu ku sheegay in dowladda Soomaaliya imaanayso muqdisho , xarunna ay u noqonayso fariisamihii ay lahaan jirtay dowladii soomaaliyeed, waxaa sidoo kale goobtaas ka hadalay madaxa wefdiga Mr. Cismaan Boqore oo isna ku nuux nuuxsaday in dowaladiisu ay u dhalatay shacbiga Soomaaliyeed , ayna waqtiyada soo socda ku soo aadan tahay dalka , kana hir galin doonto dib u heshiisiin dhab ah oo lagu doonayo isu keenida umadda soomaaliyeed ee dagaaladii dalka ka dhacay ku kala irdhoobay. Ku simaha Xuseen Caydiid ninka lagu magacaabo Abuukar Genay ayaa waxa uu sidoo kale xusay in xaruunta Villa Soomaaliya ay u hayaan umadda soomaaliyeed , uuna hadda yimid xiligii ay si sharuud la’aan ah ugu wareejin lahaayeen , isagoo intaa ku daray in dowlada soomaaliya ay la timaado nidaam suurta galinaya isu keenidda umadda, ugu danbeyntii ayuu khudbadiisa ku sheegay in ay soo dhaweynayaan dowlada faderaalka soomaaliya. Maxamed Aadan Maxamed Puntlandpost, Muqdisho, Soomaaliya Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted February 5, 2005 Meeting inside Villa Somalia I think things are changing, posative pics from the trip of the 33 man envoy thats touring Mogadishu... Walking inside the grounds of Villa Somalia. be welcomed inside the grounds of Radio Mogadishu They also made stops to the central prison which looks relatively in good shape. outside central prison Mogadishu They had to visit the President's room in the prison. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted February 5, 2005 Weftigii Dowladda Federaalka Soomaaliya Ayaa Maanta Booqday Madaxtooyadii Soomaaliya iyo Xabsigii Uu Ku Xirnaan Jiray Madaxweynaha Soomaaliya ee Xiligan. Posted to the Web Feb 05, 14:54 Muqdisho:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in Weftigii ka socday Xukuumada Federaalka Soomaaliya ee dhowaan tegay magaalada Muqdisho ay maanta booqasho ku atgeen gobo ay ka mid yihiin xarunta Gobolka Banaadir, Maxkamada Sare ee Gobolka, Madaxtooyadii Dowladda Soomaaliya oo loogu yeero (Villa Soomaaliya) iyo Xabsigii Dhexe ee Muqdisho. Dadweyne aad u fara badan ayaa weftigan waxay ku soo dhoweeyeen Xarunta gobolka Banaadir, waxaana horkacayey weftigan Cismaan Boqore oo ah Guddoomiye ku xigeenka Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Mudadii ay booqashada ku marayeen waftigaan xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho ayay si gaar ah waxay u booqdeen qol uu horay ugu xirnaan jiray Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya ee xiligan C/laahi Yuusuf Axmed. Isha Warka: Radio Midnimo Xuquuqda daabacaada:Puntlandpost.com Saaxiibkaa u *** Daabaco Qormadan Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jumatatu Posted February 5, 2005 Weftigii Dowladda Federaalka Soomaaliya Ayaa Maanta Booqday Madaxtooyadii Soomaaliya iyo Xabsigii Uu Ku Xirnaan Jiray Madaxweynaha Soomaaliya ee Xiligan. Is there a connnotation in here to Roben Island prison and Nelson Mandela by Puntlandpost...? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Gabbal Posted February 6, 2005 The Villa Somalia of Siad Barre still stands? I would've thought that of all the buildings in Muqdisho, that's the one that the USC would have shelled to pieces first and foremost. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Coloow Posted February 6, 2005 AAY; AAAY; AAY; :mad: VILLA SOMALIA; RADIO MOGADISHO AND THE PRISON??? Sounds like an axis of power abuse. Quote Share this post Link to post Share on other sites