Sign in to follow this  
Jacaylbaro

The Return of the Minister of Finance

Recommended Posts

Hargeysa, (Harowo) - Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Somaliland Mudane: Cawil Cali Ducaale ayaa Maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu ka soo ladnaaday Nabaradii ka soo gaadhay, Dhaawac ay koox budh-cad hubaysan ahi badhtamihii bishii December ee sanadkii horay ku weerareen Magaalada Nairobi ee Caasimada u ah dalka Kenya.

 

Wasiirka Maaliyada oo ay waheliso Xaaskiisa Marwo: Aamina Maxamed ayaa markii uu ka soo dagay Garoonka Diyaaradaha ee Cigaal International Airport ay si diiran ugu soo dhaweeyeen Masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Xubno Wasiiro ah, Xildhibaano ka kala socday labada Gole Baarlamaan (Guurtida iyo Baarlamaanka), Salaadiin, Cuqaal, qaar ka mid ah ururada bulshada, Shaqaalaha Wasaaraddiisa iyo dadweyne kale oo aad u tiro badan kuwaas oo meelo kala duwan uga yimiday soo dhawayntiisa.

 

Wasiirka Maaliyada Cawil Cali Ducaale ayaa markii uu ka soo degay Madaarka Magaalada Hargeysa ayaa hadal kooban oo uu War-baahinta siiyay waxa uu ugu horayn ka waramay sida uu u arko soo noqoshadiisa dalka ee maanta waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay inaan dalkii hooyo ku soo noqday, Aniga oo caafimaad qaba, dhibaatadii igaadhayna ka bogsaday, oo Illaahay caafimaad iga siiyay, waliba caafimaad dhakhso ah, maantana aan dalkaygi ku soo noqday oo si fiican laysoo dhaweeyay, oo taasi muujisay, in aan ahay nin dal leh, oo tol leh, oo dad leh intaba, aad baanan u mahad celinayaa, saaxibaday Wasiirada, Madaxweynuhu maalin walba wuu ila soo hadlayay, saxiibaday wasiiradaa ila soo hadli jiray saaxiibadayda kale ee ila soo hadli jiray, ee maalin walba I lahaa, iska waran ee I dhiiri galinayay waan u mahad naqayaa.” Ayuu yidhi Wasiirku Maaliyada Somaliland.

 

Wasiirka Maaliyada Cawil Cali Ducaale oo Caafimaadkiisa la waydiiyay ayaa kaga jawaabay “100% aad bay u fiican tahay nabarbaa I gaadhay nabarkii halkii bawdada waa la tolay way I bogsatay markaa aad baan u fiicnahay.” Ayuu yidhi Wasiirku.

 

Su’aal kale oo ay Warfidiyeenadu waydiiyeen Wasiirka oo la xidhiidhay in wax raad ah oo cidii ka danbaysay ah oo la hayaa ma jiraa ayuu Wasiirku kaga jawaabay “ Qolada Bilayska Kenya ee CID way daba socdeen oo baadhitaan ayay ku hayeen, waxanay maalmihii danbe lahaayeen raad baan haynaa, laakiinse waxaad moodaa iyaga qudhoodi baa siyaasiyan buuq badan galay, laakiin waxaan filayaa in bishan badhtameheeda wuxuun soo saari doonaan”

 

Mudane Cawil Cali Ducaale oo ka jawaabayay sidii wax u dhaceen ayaa yidhi “Habeen uun bay ahayd niman iska hubaysan, oo faashash iyo waxaa sita, dabadeed nasiib wanaag markii ay sadax nabar igu dhufteen, ee ay halkaa bawdada igaga dhufteen, sidii wax sakatiyey ayey noqdeen, dabadeetana ilaa 9 Ruux bay ahaayeen oo mar uun bay yaaceen, hadii ay sii joogaan wax dhici karayay in ay dhibaatooyin wayn geysan lahaayeen, markay sadex nabar halkaa bawdada igaga dhufteen, uun bay nasiib wanaag mar qudha carareen oo sidii siidhi loo afuufay ay u yaaceen, haday sacad danbe sii joogaan waxay noqon lahaayeen rag dhan oo wada faashash sita oo marba wax kugu dhufta, markaa nasiib marka Illaahay ku badbaadinayo ma sahlana, aad baan Illaahay ugu mahad celinayaa bad baadadiisaa uu I badbaadiyay, oo maalin walba Nairobi dad baa lagu dilayaa oo hadhka cad dad baa lagu laynayaa. Markaa aad baan u nasiib badanaa Mahadaana Illaahaybaa leh.” Ayuu yidhi Md: Cawil.

 

Markii wax igu dheceen waxaa ila socday Wakiilkeena oo isaguna nin bukaana oo kelyuhu xanuunaan, isaga qudhiisa nabaray u geysteen oo Cusbitaalkaa la dhigay, kelyahaa fadhiya oo waa la daweeyaa markaa isaga iyo dirawalkiisa ayaa ila socday, intaas ayaanu ahayn” Wasiir Cawil oo ka jawaabayay su’aal ahayd cidii la socotay markii falku ku dhacay.

 

Wasiirka Maaliyada Somaliland Md: Cawil Cali Ducaale oo la waydiiyay in dadka nabarada gaadhsiiyay ay jiraan xidhiidh ka dhexeeyay dad Somaliland jooga ayaa sheegay in aanu aritaa ogayn waxaanu tilmaamay in hadii uu si daacad ah u hadlo aanu arintaa waxba ka sheegi Karin.

 

Sidoo kale Wasiirka oo wax laga waydiiyay Arinta Urur Siyaasadeedka Qaran ee wali sharciyadiisa muranku ka taagan yahay ayaa ka gaabsaday Jawaabta su’aashaasi waxaanu sheegay in aanu diyaar xiligan u ahayn arintaas.

 

Wasiir Cawil oo aad caafimaadkiisu u fiicnaa isla markaana aanay ka muuqan wax caato ah oo aad u badan ayaa laga dareemayay in uu xogay ka dhutinayay lugta bidixda, sidoo kale arinta dhaawaciisa iyo weerarkaa loogu geystay dalka Kenya ayaa aad ugu nixisay guud ahaan umada reer Somaliland.

 

Cawil%201.JPG

Cawil%204.JPG

Cawil%203.JPG

Cawil%202.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this