Sign in to follow this  
Deeq A.

Cudurka daacuunka oo ka dilaacay Kenya kadib daad xoogleh oo ku dhuftay gobolka Tana River

Recommended Posts

Deeq A.   
wITH-29.png?resize=1000%2C563&ssl=1

Ugu yaraan 44 xaaladood oo cudurka daacuunka ah ayaa laga soo sheegay ismaamulka Tana River ee dalka Kenya, iyadoo fatahaaduhu ay sare u qaadayaan khatarta faafitaanka cudurada ka dhasha biyaha.

Warbixin ay soo saartay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO oo soo xiganaysa tiradaasi ayaa lagu sheegay in mas’uuliyiinta Kenya ay isha ku hayeen xaaladda caafimaad iyo wax ka qabashada guud ahaan dalka wixii ka dambeeyay fatahaadaha.

Daadadka ayaa saameeyay in ka badan rubuc milyan qof iyadoo 238 ay ku dhinteen dalka oo dhan. Tana River waa mid ka mid ah goboloda uu sida aadka ah ay u saameeyeen daadadku.

Talaadadii, xoghayaha guud ee caafimaadka Kenya Mary Muthoni ayaa sheegtay in ay jirto khatar weyn oo ah in cudurrada biyaha ka dhasha ay noqdaan masiibo haddii aan waqtigeeda wax laga qaban.

PUNTLAND POST

The post Cudurka daacuunka oo ka dilaacay Kenya kadib daad xoogleh oo ku dhuftay gobolka Tana River appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this