Sign in to follow this  
General Duke

TFG Meeting in XAMAR, [who has more support in]?????

Recommended Posts

The TFG support is growing in Mogadishu as highlighted by this meeting which took place in hotel Ramadan, it was attendent by the deputy PM, Governor of banadir, federal ministers, MP's, Imam Maxamud and other traditional leaders, business men and former politicians.

 

For anyone who has any doubt the days when Mogadishu was not open are over....

 

...............................................................

Kulan lagu taageeerayo Xafiiskii Midowga Afrika ay ka furteen Jowhar iyo heshiiskii iskaashi ee ay dhawaan kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Kenya oo Maanta lagu qabtay Hotelka Ramadaan ee Magaalada Muqdisho

 

Posted to the Web Sep 14, 21:14

 

 

Muqdsiho:- (PP) - Kulan lagu taageerayay Xafiiska Midowga Afrika ay ka furteen Magaalada Jowhar, oo ah fariisinka Dowladda federaalka Soomaaliya, Heshiiskii iskaashi ee ay dhawaan Nairobi ku kala saxiixdeen Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya iyo Imaanshaha Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya uu imaanayo dhawaan Magaalada Muqdisho, uuna soo agaasimay Ra'iisul wasaare ku xigeenka isla markaanka ah Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda federaakla Soomaaliya Xuseen Maxamed Caydiid ayaa maanta gellinkii dambe lagu qabtay Hotel Ramaadaan ee magaalada Muqdisho.

 

Kulankaas oo ahaa mid ay ka soo qaybgaleen xubnaha dowladda ee ku sugan Muqdisho ayaa waxaa xubnihii ka soo qaybgalay ka mid ahaa: Wasiirka Arrimaha Diinta iyo Owqaafta Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar Filish), Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Maxamuud Salaad Nuur, Wasiir u dowlaha badda iyo Dekedaha Maxamed Jaamac Furux, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Xasan Cali (Cadde Gaaboow),Generaal.Maxamed Sheekh Cusmaan oo ahaa Wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya intii ay jirtay Dowladdii Marxuum Maxamed Siyaad Barre, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo xubno kale oo aad u fara badan.

 

Kulankaas ayaa ugu horreyn waxaa hadal ka jeediyay Ra'iisul wasaare ku xigeenka isla markaanka ah Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda federaakla Soomaaliya Eng.Xuseen Maxamed Caydiid oo sheegay in ay taageerayaan haddii ay yihiin xubnaha labada gole ee ku sugan Muqdsho, wuxuuna sheegay in midowga Afrika xafiiskii ay ka furteen Jowhar uu ahaa mid aad iyo aad loogu baahnaa, waayo Soomaaliya waxay member buuxa ka tahay Midowga Afrika, midda kale.

 

"Waxaan maanta doonaynaa inaan muujiyo taageeradeenna ku aaddan heshiiskii taariikhiga ahaa ee ay ku kala saxiixdeen magaalada Nairobi Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Prof. C/laahi Sheekh Ismaaciil iyo Wasiirka Arrimaha dibadda ee Kenya oo uu wakiil ka ahaa Prof. Cali Makuube, iyadoo heshiiskaas uu goobjoog ka ahaa Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi". ayuu yiri Xuseen Maxamed Caydiid oo sharraxaad ka bixinayay wixii ay kulankaas u qabteen.

 

Sidoo kale waxaa halkaas ka hadlay Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Maxamuud Salaad Nuur oo sheegay in ay taageersan yihiin haddii ay yihiin golaha wasiiradda dowladda Federaalka Soomaaliya ee kusugan Muqdisho heshiiskii taariikhiga ahaa ee dhanka iskaashiga ee dhawaan dhex maray dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, sidoo kale wuxuu sheegay in ay taageerayaan Xafiiska Midowga Afrika ay ka furteen Jowhar oo uu sheegay inuu ahaa mid awalba la filayay.

 

Xuseen Maxamed Caydiid ayaa sidoo kale shirrkaas maanta ka sheegay in dhawaan uu magaalada Muqdisho imaanayo oo uu xafiis ka furayo R/wasaaraha Soomaaliya, waxaana uu sheegay inay isku diyaarinayaan imaanshiyaha Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi oo uu sheegay inuu Muqdisho iyo Jowhar ka wada shaqeyn doono.

 

Halkaas ayaa waxaa kaloo ka hadlay xubnihii isugu yimid, waxayna dhamaantood qireen in xubnaha Dowladda ee ku sugan Jowhar ay yihiin xubno wada qorshayaal lagu farxi karo, isla markaana gaarsiin kara Soomaaliya Yoolka ay higsanayso.

 

Maxamed Xuseen Jimcaale(Jantiile)

Wakiilka Puntlandpost -Muqdisho,Soomaaliya

webmaster@puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ra’iisal Wasaare Geedi oo maanta ka warbixiyay socdaalkiisii Talyaaniga iyo Kenya iyo Kulan lagu taageerayay horumar ay sameeyeen Xubnaha Dowladda ee Jowhar ku sugan oo maanta Muqidsho ka dhacay

 

Arbaco, September 14, 2005(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliyeed Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa maanta ka warbixiyay socdaal uu dhawaan ku soo kala bixiyay dalalka Talyaaniga iyo Kenya, kadib kulan uu la yeeshay Xubnaha Golaha Wasiirrada ee ku sugan magaalada Jowhar.

 

Ra’iisal Wasaare Geedi waxaa uu sheegay in uu dalka Talyaaniga kulamo ku soo yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Talyaaniga, gaar ahaana Wasiirrada Gaashaandhigga iyo Arrimaha Dibadda, kuwaasi oo ay ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo weliba sidii ay Dowladda Talyaaniga u sii wadi lahayd kaalmo ay horay u siisay, wuxuuna ra’iisal Wasaaruhu xaqiijiyay in arrintaas ay ka aqbashay Dowladda Talyaaniga.

 

Sidoo kalena wuxuu ka hadlay Ra’iisal Wasaaraha kulamo uu magaalada Nairobi kula yeeshay wakiillo ka socday Beesha Caalamka, kuwaasi oo ay ka wada hadleen arrimo ku saabsan gacan siinta Dowladda Federaalka Soomaaliyeed, isla markaana ay xafiisyo uga furan lahaayeen magaalada Jowhar oo haatan Xarun KMG ah u ah Dowladda Federaalka.

 

Ra’iisal Wasaare Geedi waxaa uu sheegay in heshiis taariikhi ahaa uu magaalada Nairobi ku dhexmaray Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, kaasi oo ku saabsanaa iskaashi dhinacyo kala duwan leh oo ay labada dowladood yeeshaan, iyadoo heshiisyadaasna ay labada dowladood u kala saxiixeen Wasiirrada arrimaha Dibadda ee labada Dal Mr. Chirau Ali Makwere iyo Danjire C/llaahi Shiikh Ismaaciil.

 

Sidoo kale kulankaas ayuu Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi ka sheegay in dhawaan la furi doono Xafiis weyn oo magaalada Muqdisho ka qaban doona howlaha Dowladda Federaalka Soomaaliyeed, kaasi oo uu ka howlgeli doono Ra’iisal Wasaare ku xigeenka, ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliyeed Md. Xuseen Maxamed Caydiid.

 

Xuseen Caydiid ayaa qudhiisa waxaa uu magaalada Muqdisho ka sheegay in Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi uu dhawaan imaan doono Xamar, isla markaana ay Dowladda Federaalka si rasmi ah uga howl bilaabi doonto magaalada Muqdisho.

 

Dhanka kalena, waxaa galabta lagu qabtay Hotelka Ramadaan ee magaalada Muqdisho kulan lagu taageerayay horumar ay sameeyeen xubnaha labada gole ee Dowladda Federaalka, kuwooda ku sugan magaalada Jowhar.

 

Kulankan oo ay ka qeybgaleen Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Xuseen Caydiid, Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Md. Maxamuud Salaad Nuur, Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Md. Cumar Maxamed Maxamuud (Filish), Wasiiru Dowlaha Gadiidka Badda iyo Dekedaha Md. Maxamed Jaamac Furux iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Md. Maxamuud Xasan Cali (Cadde) ayaa lagu taageerayay heshiiskii ay dhowaan magaalada Nairobi ku kala saxiixdeen Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya iyo weliba Xafiiskii uu Midowga Afrika ka furtay magaalada Jowhar.

 

"Heshiiskii ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Kenya ee uu goob jooga ka ahaa Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Prof. Cali Maxamed Geedi, isla markaana uu Soomaaliya u saxiixay Wasiirka Arrimaha Dibadda Ambassador C/llaahi Shiikh Ismaaciil waxaa uu ahaa mid Taariikhi ah oo aan soo dhaweyneyno"ayuuna yiri Xuseen Caydiid oo kulankan ka hadlayay isagoo sidoo kalena wax lagu farxo ku tilmaamay Xafiiska uu Midowga Afrika ka furtay magaalada Jowhar.

 

Xuseen Caydiid oo aan maalmahaan dambe ka qeybgelin kulamada ay isugu yimaadaan xubnaha labada gole ee Magaalada Muqdisho ku sugan ayaa hadalkan uu maanta ka dhawaajiyay waxaa uu ka sii fogeynayaa Xubnaha Dowladda ee Muqdisho ku sugan, kuwaasi oo maalmahaanba ka shakisnaa siyaasaddiisa Dowladda, inkastoo Xuseen Caydiid markii uu Nairobi ka guurayay uu sheegay in khilaafka u dhaxeeya xubnaha Dowladda Federaalka ee Muqdisho iyo Jowhar kala jooga uu door dhexdhexaadnimo ah ka ciyaari doono.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
OLOL   

Cumar Filish, Maxamuud Salaad Nuur, Furux, Cadde Gaaboow,Gen. Maxamed Sheekh Cusmaan Miikaa'iil and many others influential figures in Mogadishu all belong to the same clan. Some are opportunists and others are realists. I know one thing that though they are all opposed both to the clannish machinations of president warlord Yeey and the apathetic selfish mendacity of the warlords..i.e. Qanyare ,Ato & Sudi..

 

 

Mogadishu people are tired of clan nonesense. They have confidence in their clout and are not worried about the petty clannish politics of Yeey. Some even argue Yeey is means to an end.....You have civil societies, intellectuals, political opportunists, women's organizations, doctors, students, religious clerks, free press, free market and all are engaging each other with discussions of how to get rid of the warlords and other leeches. This shows the laissez-faire thinking of the different competing Mogadishu groups. This is a city of maturity and realism.

I know close families who are torn apart by different ideologies. There is no monolithic view in this city of opposites unlike other parts of Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cumar Filish, Maxamuud Salaad Nuur, Furux, Cadde Gaaboow,Gen. Maxamed Sheekh Cusmaan Miikaa'iil and many others influential figures in Mogadishu all belong to the same clan. Some are opportunists and others are realists. I know one thing that though they are all opposed both to the clannish machinations of president warlord Yeey and the apathetic selfish mendacity of the warlords..i.e. Qanyare ,Ato & Sudi..

I like the above statement, well put. You stated clearly they all belong to the same clan. Evidently its not your clan since you are Eritrian or something [pardon me if I am wrong]. So how do you know more than anyone, what they intend to do or their future plans? The truth is simple the above mentioned individuals support the plan of the government headed by President Yusuf and PM Geedi.

 

Like I said who has more support than the TFG in Mogadishu if they can rely on just the above individuals?

 

As for your constsant attempt at being divisive, brother you are no closer to Mogadishu than I or others say as far away as Puntland, once you realise that some of the weight might fall of your small shoulders..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sky   

LOL

No OLOL I'm not laughing, I'm talking to you. So listen! You are Eitrean aren't you and just for 1/8 Somali? Do us a favor and discuss the dictatorship of Isaias Afewerki in eritreaonline.com and put up a good word for the Somali people there since we are your Reer Ayeeyo or something.

 

Your contribution was well appreciated, but my dear boy we can no longer hold you here, for your ideas are more needed among your own countrymen. It saddens me as well, but we must let you go.

Share this post


Link to post
Share on other sites
OLOL   

I would have done and gone to Eritrean Forums but I know nothing about Eritrea, the land of my great-great grandfathers.

 

I am more Somali than you all. My loyalty is to Somalia and Somalia alone. I prescribe to no clan and fortunately all of my grandmothers are from different Somali clans. This makes me the most unflustered Somali national. I prescribe to no clan nonesense and but I despise certain clans because of their clannish attitude.

 

I have neighbors from Puntland and Mogadishu. Guess what? The “Reer Baadiye from Qardho and God knows where that is†ones are on our face all the time bragging, disseminating fictitious lies, and obsessively talking about clan all the time and engaging in a reproachful ruffian’s commotion on other neighbors in our own living room. As a matter of fact, I can hear Eedo Caasho's earsplitting chatter. We call her Auntie "Tahniyo iyo Dhambaal" Xishood ma leh, ma taqaan dhaaf faanka, dadkaan ma u baxeyso waxaa sheegeeyso, daris-nimo eey kuugu xishmeeynaayaan maahinee, mar horeey kaa taqalusi lahaayeen. And worst of all, we are fed up with her Taxi-driver son, the biggest show-off charlatan on earth, whose first greetings is " Maxaa la sheegay maanta" and who boasts of becoming an Ambassador or a minsiter in Yeey's kingdom....

 

Hence, a question that one has to ask is why people from certain regions all are deemed to be so monolithic and all gripped by the same clannish hogwash.Other Somalis seem more conditioned to have broadminded different views and their life doesn’t revolve around tribalism all the time. why is it only people from " Gobol" are all obsessed with clan nonesense?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this