Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo tababar u soo xidhay shaqaale ka tirsan Maxkamadaha Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Aadam Xaaji Cali Axmed ayaa maanta tababar usoo xidhay 30 xubnood oo iskugu jira madax-qaybeedyo, kaaliyayaal iyo gaadhsiiyayaal ka tirsan Maxkamadda Sare iyo Maxkamadda Hoose ee Gobolka Maroodijeex, tababarkan oo la xidhiiday bad-baadada degdega ah (firsta aid) ayaa labadii maalmood ee u danbeeyay ka socday Maxkamadda Sare ee JSL.

Tababarka oo ay bixinaysay Akadamiyada SOFO ayaa ujeedadeedu daarnayd sare-u-qaadida wacyiga hawl-wadeennada Maxkamaddaha, ee dhanka gargaarka degdega ah, marka ay la kulmaan qof xaalad halis ah ku jira oo u baahan bad-baado.

Dr. Axmed Xasan Filibiini iyo Drs. Hoodo Axmed oo tababarka daadahaynayay ayaa si qoto dheer hawl-wadeennada Maxkamadaha, ugu faa’iideeyay jaran-jarooyinka la qaadayo marka qofku la kulmo qof u baahan gargaar degdeg ah (first aid) iyo qaybaha kala duwan ee ay u dhacaan.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare JSL Aadam Xaaji Cali oo madasha xidhitaanka tababarka ka hadlay ayaa ugu horayn Akadamiyada SOFO uga mahad-celiyay, doorka shariifka ee ay ka qaateen in xubnaha tababarka soo xaadiray fursad u helaan xirfaddo waarra oo noloshooda oo dhan anfaca.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale tibaaxay ahmiyada tababarada noocan ahi bulshada u leeyihiin, waxaanu hawl-wadeennadii tababarka qaatay u hogga-tusaaleeyay sida ay naftooda, ta qoyskooda iyo ta bulshadaba ugu anfici lahaayeen.

Ugu danbayn Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa kula dardaarmay xubnaha tababarka qaatay, in ay joogteeyaan sare-u-qaadida xirfadaha muhiimka ah ee bad-baadadu ku jirto, waxaanu ku booriyay in ay bulshada usii gudbiyaan oo uga faa’iideeyaan hadba inta ay gaadhsiin karaan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this