Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo sheegtay in la siyaasadeeyey qoondadii ay ku lahayd xujayda Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
436933986_836457185187496_40610961019419

Wasaaradda Cadaaladda, arimaha diinta, dastuurka iyo dhaqancelinta Puntland ayaa ku eedaysay Dawladda Federalka Soomaaliya inay siyaasadaysay arimaha xajka lana musuqmaasuqay qoondadii ay Puntland ku lahayd.

Wasiirka Cadaaladda Puntland Maxamed Cabdiwahaab ayaa sheegay in wasaaradda awqaafta iyo arimaha diinta in ay siyaasad galisay arimaha xajka islamarkaana ay diiday inay wax talogalyo ah ka siiso dawlad gobaleedyada dalka.

”Dawladda Federalka Soomaaliya way siyaasadaysay Xajka,11 kun ayaa sanadkaan la siiyey Soomaaliya 700 oo kaliya ayaa la siiyey xujayda Puntland, mana ahan wax u wanaagsan soomaalinimada mana aqbalayno” ayuu yiri wasiirka Cadaaladda Puntland Maxamed Cabdiwahaab Axmed.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in hadii sida hada wax u socdaan wax laga badaliwaayo ay Puntland ka tashan doonto ka qaybgalka Xajka sanadka soo aadaan ayna si madax banaan u dhaqmi doonto.

Hoos ka dhegeyso codka wasiirka.

PUNTLAND POST

The post Puntland oo sheegtay in la siyaasadeeyey qoondadii ay ku lahayd xujayda Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this