Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Soomaaliya iyo Kenya oo gaaray heshiis culus – Maxaa lagu heshiiyey?

Recommended Posts

Deeq A.   
Fiqi-iyo.jpg?fit=2048%2C1366&ssl=1

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa galabta ku kala saxiixday magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya heshiisyo is-afgarad oo ku saabsan dhinacyada, Arrimaha dibedda, Nabadgalyada, Dhaqaalaha, Ganacsiga, Waxbarashada iyo arrimaha adeegga Bulshada.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa Sooaamliya u saxiixay heshiiskan.

Dhanka Kenya, waxaa heshiiskaan u saxiixay Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Musalia Mudavadi, heshiisyadan Is-afgarad ee ay gaareen labada dal, ayaa kor loogu qaadayaa xiriirka iskaashi iyo wax wada qabsiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Sidoo kale, Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir iyo Wasiirka Waxbarashada Kenya Mudane Ezekiel Machogu, ayaa kala saxiixday Heshiiska Is-afgaradka oo ku saabsan Iskaashiga Waxbarashada, Tababarka iyo Cilmi-baarista.

Heshiiskaan waxaa kor loogu qaadayaa xoojinta iskaashiga dhinaca waxbarashada ee labada dal.

Heshiisyadan ayaa qeyb ka ah Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, uu ku joogo dalka Kenya ee la xiriira adkaynta xiriirka labada dal iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada badan leh.

440749615_925404119626195_43898462412705 440879727_925404232959517_63307225852170 440929358_925404206292853_48906968332892 440941972_925404102959530_66341788231535 440944004_925404182959522_50017453256518 441033601_925404086292865_61500896533541 441058965_925404199626187_14424105404647 441313607_925404132959527_42326003209452 Fiqi-iyo.jpg?resize=696%2C464&ssl=1 somalia-iyo-kenya.jpg?resize=696%2C464&s

The post Sawirro: Soomaaliya iyo Kenya oo gaaray heshiis culus – Maxaa lagu heshiiyey? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this