Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya iyo Kenya oo heshiisyo kala saxiixday.

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa galabta ku kala saxiixday magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya heshiisyo is-afgarad oo ku saabsan dhinacyada, Arrimaha dibedda, Nabadgalyada, Dhaqaalaha, Ganacsiga, Waxbarashada iyo arrimaha adeegga Bulshada.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya  Axmed Macallin Fiqi ayaa Sooaamliya u saxiixay heshiiskan, halka uu Kenya u saxiixay Wasiirka Arrimaha Dibedda Musalia Mudavadi.

Sidoo kale, Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Faarax Sheekh Cabdulqaadir iyo Wasiirka Waxbarashada Kenya Ezekiel Machogu, ayaa kala saxiixday Heshiiska Is-afgaradka oo ku saabsan Iskaashiga Waxbarashada, Tababarka iyo Cilmi-baarista, kaas oo kor loogu qaadayo xoojinta iskaashiga dhinaca waxbarashada ee labada dal.

FB_IMG_1715021519332.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1715021516438.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1715021525052.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1715021557669.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1715021534170.jpg?resize=720%2C48

PUNTLAND POST.

The post Soomaaliya iyo Kenya oo heshiisyo kala saxiixday. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this