Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Protests in Maakhir against the TFG and the new cabinet.

Recommended Posts

Reer Sanaag Oo Dibadbaxyo Sameeyay

on Nov 14, 2010

 

ShareBanaanbax loogu soo horjeedo Xukuumadda uu soo dhisay Ra’isal wasaaraha dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta ka dhacday deegaano hoos taga gobolka Sanaag.

 

Dibadbaxan oo ka dhacay magaalooyinka Badhan, Laasqoray, Dahar iyo deegaano kale ayaa waxaa la sheegay inay soo abaabuleen dadweynaha ku dhaqan degaanadaas kuwaasi oo tilmaamay in ay ka soo horjeedaan wasiirrada cusub iyagoo sheegay in ay kalsoonidii kala laabteen xukuumadda Soomaaliya.

 

Dibadbaxayaasha ayaa ku qaylinayay hadalo ka dhan ah dowladda Soomaaliya, waxayna ugu baaqeen in xildhibaannada Baarlamaanka KMG ee kasoo jeeda deegaanadaasi in ay 24-saac gudahooda isaga soo baxaan magaalada Muqdisho ayna yimaadaan deegaanadooda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dibadbax looga soo horjeedo xukuumada Ra'iisul wasaare Farmaajo oo maanta ka dhacay degmada Badhan

 

Axad, 14 November, 2010 (HOL) − Banaanbax aad u balaaran oo looga soo horjeeday xukuumada raysul wasaare Farmaajo ayaa maanta waxaa dhigay boqolaal ka mid ah dadka degmada Badhan ee gobolka Sanaag.

 

"Waxaan ugu baaqaynaa xildhibaanada iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolada sanaag bari in mudo 48-saacadood gudahood ah ay isaga soo baxaan magaalada Muqdisho : ayuu yiri Caaqil Cabdulaahi Cabdi Ibraahim oo u waramay idaacada Horseed.

 

Waxaa kaloo uu sheegay in aysan haba yaraatee wax taageero ah u hayn xukuumada raysul wasaare Farmaajo ,isagoo xusay in ay saluugsanyihiin xukuumada la soo dhisay.

 

"Dibad baxan waa mid aan uga soo horjeedno sida loo ilaaway siyaasiinta sanaag bari " ayuu hadalkiisa ku sii daray,waxaana uu xusay in mudaharaadka uu sii socon doono.

 

Shalay waxaa magaalada Muqdisho shir ku qabtay xildhibaano ka soo jeeda gobolka sanaag ,kuwaasi oo sheegay in ay kalsoonidii kala noqodeen xukuumada cusub ee la soo dhisay.

 

Ugu danbayntii dadka degmada badhan ayaa isugu soo baxay wadooyinka waa wayn ee degmada ,iyaga oo wata boorar ay ku qoronayihin erayo ay uga soo horjeedaan xukuumada Farmaajo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Xaji_Xunjuf .The tfg should give ministers to makhiir instead of caado qaate's who have no support from their people such as Ina Omar, Axmed C/raxmaan Abaade.

Share this post


Link to post
Share on other sites

MUDAHAARO BALAADHAN OO KA DHACAY GOBOLADA SANAAG , HAYLAAN IYO BARI OO LOOGA SOO HORJEEDO XUKUUMADA FARMAAJO

Sunday, 14 November 2010 13:06

Deegaanada Maakhir dhamaantood ayaa waxaa maanta ka dhacay mudaharaado looga soo horjeedo xukuumada raysal wasaare farmaajo uu soo dhisay.

 

 

 

 

 

Magaalooyin ka tirsan Gobolada Sanaag , Haylaan iyo Bari ayaa waxaa ka dhacay Banaanbax aad u balaadhan oo ay ka soo qayb galeen ururada bulshada , Isimo iyo Siyaasiyiin iyo dhamaan shacabka ku nool Goboladaas.

 

 

 

Magaalooyinka uu ka dhacay Banaanbaxani ayaa waxaa ka mid ahaa sida wararku nagu soo gaadhayo Magaalooyinka Badhan, Hadaaftimo, Dhahar,Xingalool iyo laasqoray.

 

 

 

Mudaharaadkii ugu balaadhanaa ayaa waxa uu ka dhacay Magaalada Badhan oo ay ku sugnaayeen Isimo aad u fara badan , Isimada iyo siyaasiyiinta ku kulmay magaalada Badhan ayaa waxa ay ugu baaqeen xildhibaanada ku sugan magaalda Muqdisho ee u dhashay deegaanada Maakhir in ay si degdeg ah ugu soo laabtaan deegaanada Maakhir si dib loogu eego aayaha deegaanka, Waxa kale oo ay ku baaqeen in aan xukuumada Farmaajo la ansixin maadaama ay tahay mid aan cadaalad ku dhisnayn.

 

 

 

Sawiradii Banaanbaxa ka dhacay deegaanada Maakhir ayaanu dib ka soo gelin doonaa saacadaha soo socda hadi ilaahay yidhaahdo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Let's wait and see that how this interim foreign imposed solution bring in the desired result. It's amazing for the knuckleheaders in charge of this rickety ark to make such a move, unmindful of the consequences of losing more regions. Reality is the people of SANAAG, HAYLAN, WESTERN BARI, & JUBA are distinct political group with definate territory and a history of self-autonomy.

Share this post


Link to post
Share on other sites

So, Secessionists are in love with reer Maakhir lately !! These Protests if true are unnecessary ,,,,laakin maba aha waa caantaynkii reer SL. icon_razz.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

Originally posted by NASSIR:

Let's wait and see that how this interim foreign imposed solution bring in the desired result. It's amazing for the knuckleheaders in charge of this rickety ark to make such a move, unmindful of the consequences of losing more regions. Reality is the people of SANAAG, HAYLAN, WESTERN BARI, & JUBA are distinct political group with definate territory and a history of self-autonomy.

The Jubba is a cosmopolitan region, leave it out of your squabbles. That's all we ask from you lot.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

^Excuse me folks! Jubbba (that is the correct way to spell it thank you) belongs to my people. Go discover your own imaginary lands. Sheeko!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by NinaNC:

^Excuse me folks! Jubbba (that is the correct way to spell it thank you) belongs to my people. Go discover your own imaginary lands. Sheeko!

With 3 B'S

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Well Sanaag is also cosmopolitan region. The suitable term for Nassir would be "Eastern Sanaag" since that is where the protests took place and not all of the region.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this