General Duke Posted July 3, 2007 Xaflada 1da Luulyo oo lagu Qabtay Guriga Daahir Dhagaweyne Halyeygii ka haray 13kii SYL (Daawo Sawiro) Last Updated::2007-07-02 13:23:02 Qardho:- Waxaa dalka soomaaliya oo dhan si weyn looga xusay munaasibada 1da luuliyo oo ah maalintii gobolada koonfur aay ka xooroobeen gumeysigii talyaaniga iyo israacii gobolada waqooyi iyo koonfur oo ku beegneyd 1960. Munaasibada si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxa aay ka dhacday guriga Daahir X.Cusmaan Sharmaarke oo ka mid ahaa Aaasaasyaashii ururkii Dhalinyaradda ee S.Y.L (Somali youth league). Munaasibadda Xuska 1da luuliyo ayaa waxaa soo diyaariyey Dhalinyaradda Dallada KAYDNET iyadda oo aay marti u ahaayeen Qaar ka mid ah Ururada dhalinyaradda ee G/Bari sida SSCO IYO PYO. Ugu horeyntii waxaa shirka furay gudoomiyaha Dallada KAYDNET C/weli Xasan Gooni oo sheegay in ay Maanta faraxad weyn u tahay guud ahaan Ummada Soomaaliyeed meelkasta oo aay joogaan isla markaana sheegay in faraxa aay la qeybsanayaan umadda Soomaaliyeed ka Sokow aay maantay gurigiisa ku xusayaan 1-luulyo-2007. isla markaana 47 sano ka dib aay dhalinyaradda gobolka la kulmaan masuul sare oo ka mid ah aasaasyaashii SYL. Daahir X.Cusmaan ayaa dhalinyaradda waxaa ay salaan ka dib sheegeen iskuna raaceen in guud ahaantood aay maantay faraxad u tahay in 1 luuliyo aay gurigiisa kula qeybsadaan. Daahir X.Cusmaan ayaa waxaa uu isna in yar ka taabtay taariikhda Ururkii Dhalinyaradda ee SYL isaga oo yiri lama soo koobi karo Taariikhda SYL anigana waayeelnimo daraadeed xusuustii waa igu yaraatay. Haddaba waxaan si kooban uga hadlayaa unuggii xisbiga, anigoo goobjoog ka ahaa, kana mid ahaa dhalinyaradii Nasiibka u yeeltay eebena waafajiyey inay asaasaan xisbigaan. Waxaan ugu dad leeyahay hadalkaan inaan dadweynaha soomaaliyeed siiba dhalinyaradda, xusuusiyo halgankii qawmiyadeed iyo taariikhdii sharafta laheyd ee la soo maray si looga faa'iideysto. Markaan soo xasuusto xiligii uu hana qaaday xisibigii SYL marna waa farxaa, Marna waa naxaa. Waa farxaa oo waxaan soo xasuustaa wanaaggii, wadaanimadii, isaqadarintii iyo kalsoonidii soomaalidu isu qabtay waagaas kuna guuleeystay. Marna wa naxaa oo waxaan arkaa xaaladda Maantay soomaaliya ku sugan tahay oo ah dagaalo joogto ah, dulli qaxootinimo iyo dugaaagnimo. Waxaan eeba ka baryayaa in uu soomaaliya dhex dhigo heshiis iyo isafgarad. Daahir X.Cusmaan ayaa waxaa uu dhalinyaradii ka qeyb gashay xuska 1da luuliyo ku Booriyey in aay ka fogaadaan Qabyaalada waayo waxaa uu yiri "soomaaliya waxaa maantay meesha aay joogta dhigay waa qabyaalad, isku daya in aad noqotaan dhalinyaradii SYL oo kale ee marna ha isku dayina in aad Qabiil iyo wax la mid ah taageertaan. Xaaska Daahir X.Cusmaan Hooyo Caasho ayaa sheegtay in maantay oo kale Daahir uu 1960 uu Daahir X.Cusmaan oo hada ah 82 jir uu calanka Soomaaliya ka taagay Magaalada Kismaayo. Munaasibaddaas ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxa Ururada ugu waaweyn Degaanada Puntland kuwaas oo imaanshahooda Qardho uu ahaa in 1da luuliyo aay ka qeyb saddaan Daahir X.Cusmaan Sharmaarke (Aabbaha Ummada Soomaaliyee) Munaasibadaas ayaa waxaa ka soo qeyb galay C/laahi Mahadi Xasan (Seyidka) oo Matalayey Ururka SSCO Bosaso iyo Abshir Max'ed Aw Cali oo isna Matalayey PYO Bosaso. Kulankii aay soo Maantay ayaa ahaa mid Taariikhi ah sababtoo ah Dhalinyaradda reer Puntland ayaa waxaa fursada u heleen in aay Guriga Daahir X.Cusmaan Calanka Quruxda Badan ee jamhuuriyadda Soomaaliya ka taagaan. Kulankii waxaa uu ku soo dhamaatay jawi aad u degan, Dhanka kale waxaa shalay galabnimadii ka dhacday Staduimka ciyaaraha ee Qardho, ciyaar aad u xiiso badan oo lagu xusayo 1 luuliyo aay ka dhacdo. C/weli Sheikh Xasan Horseednet.com Qardho,Karkaar Region Quote Share this post Link to post Share on other sites