Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareynka oo Ku Guuldareystay Dadaallo Lagu Waday Sameynta Maraakiib Aan Cidna Wadin

Recommended Posts

Deeq A.   

Dadaallada ciidamada badda ee Maraykanku ku doonayaan inay ku dhistaan ​​raxan maraakiib ah oo aan cidina wadin ayaa u muuqda kuwo guuldarro ku dambeyn doona maadaama Pentagon-ku ay ku howlanyihiin mashruucyo kale oo waaweyn.

Mashruuca ay gacanta ku hayaan saraakiisha iyo madaxda shirkadda samaysa gaadiidka militariga ayaa waxaa kamida diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee badda oo ay dib u qaabeynayaan.

Xeeladaha soo jiitay dareenka Khubarada Pentagon-ka,ayaa waxaa kamida casharro badan oo laga bartay dagaalka Ukraine iyo weerarada maraakiibta ganacsiga ee ay geystaan kooxda Xuutiyiinta Yemen. kaas oo lagu daraya qorshaha Mareykanka ee ka hortagga awoodda ciimada badda Shiinaha ee sii kordheysa.

Afhayeenka Pentagon-ka Eric Pahon ayaa uga warramay wakaaladda wararka Reuters ujeedada Pentagon-ka ee ku aadan casriyaynta cududda Mareykanka ee dhinaca badda.

Ku-xigeenka Xoghayaha Difaaca Kathleen Hicks ayaa ku dhawaaqday bishii Agoosto ee sanadkii hore hindise lagu magacaabo “Replicator” si loo diyaaro boqolaal doomaha yaryar ee aan wadaha ama naaquudaha lahayn ah, balse weli laguma guulaysan.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this