Sign in to follow this  
Deeq A.

Wadahadalada Xamaas iyo Iraa’iil ee ka socda Dooxa oo qarka u saaran inay burburaan

Recommended Posts

Deeq A.   
israeli-soldier-hamas-gunman-121438753-1

Israa’iil iyo Xamaas ayaa weli isku maandhaafsan sidii ay u joojin lahaayeen dagaalka Gaza ka socda in ka badan 7 bilood, kaas oo ay ku dhinteen tobanaan kun oo qof, kuna qasbay in ka badan hal milyan oo Falastiiniyiin ah inay guryahooda ka cararaan.

Isagoo ku sugan Qaahira, hogaamiyaha Xamaas Ismail Haniyeh ayaa sheegay in kooxda falastiiniyiinta ah ay doonayaan xabad joojin dhamaystiran oo soo afjaraysa wuxuu ugu yeeray “gardarrada” Israa’iil, isla markaana dammaanad qaadaysa ka bixitaanka ciidanka Israa’iil ee Gaza, halka Xamaas ay sii daynayso ku dhawaad 100 la haystayaal Israa’iiliyiin ah, oo ay ku bedelato sii deynta boqolaal Falastiiniytiin ah oo xabsiyada Israa’iil ku jira.

Bayaan uu shalay soo saaray, Haniyeh wuxuu ku eedeeyay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu inuu masuul ka yahay sii socoshada gardarrada iyo ballaarinta dagaalka, iyo burburinta dadaallada loo marayo dhexdhexaadinta nabadeed.

Netanyahu wuxuu diiday in la joojiyo dagaalka, taasoo uu sheegay inay ka dhigantahay in Xamaas oo khatar joogto ah ku ah maamulka Yahuudda gacanta loo geliyo Qaza.

PUNTLAND POST

The post Wadahadalada Xamaas iyo Iraa’iil ee ka socda Dooxa oo qarka u saaran inay burburaan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this