Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda Somaliland oo sheegtay in Turkigu aanu iman karin xeebaha Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee JSL Dr. Ciise Keyd Maxamuud, ayaa sheegay in maraakiibta dagaal ee Turkigu aanay iman karin xeebaha Somaliland.

Wasiir Ciise Keyd wuxuu bayaamiyay inay Turkiga u sheegeen in aanu soo geli karin xeebaha Somaliland.

Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland wuu  xusay in Turkugu ogyahay in Jamhuuriyadda Somaliland u taliso xeebteeda oo aanay Soomaaliya xukumin.

Wasiir Ciise Keyd wuxuu sidaasi ku sheegay waraysi uu siiyay laanta Afsoomaaliga ee BBC-da oo weydiisay sida uu u arko heshiiska difaac ee ay kala saxeexdeen Turkiga iyo dawladda aan iskeed isku maamuli karin ee Soomaaliya, waxaannu caddeeyay in habayaraatee aanay wax werwer ah ka qabin heshiiskaas.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this