Sign in to follow this  
General Duke

President Yusuf holds court in London,....

Recommended Posts

As an update for MMA, and others outside..

 

C/llaahi Yuusuf oo sii wada la kulanka beelaha iyo mudanayaal booqday.

 

 

London:-Madax weynaha dawladda FKMG C/llaahi Yuusuf Axmed oo ayaamahan ku sugnaa dalka Ingiriiska oo uu arimo caafimaad u joogay ayaa sii wada aragtida beelaha Soomaaliyeed ee iyagu ku sugan dalkaan Ingiriiska iyo weliba madax ka tirsan dawlada Ingiriiska.

 

C/llaahi Yuusuf oo xafiis looga kireeyey bartamaha magaalada London kaas oo uu ku qaabilo dadka soo booqda,ayaa maata xafiiska waxaa ugu tegay oo ku booqday mudane lagu magacaabo Jeremy Corbyn laga soo dooto waqooyiga magaalada London, degmada Islington, waxaana mudanuhu ka war bixyey guud ahaan dadka Soomaalida ee dalka Ingiriiska ku nool gaar ahaan dadka degaankiisa ku nool.

 

Waxaa kale oo uu sheegay Jeremy Corbyn inay booqan doonaan magaalada Baydhabo oo iyadu hadda Xurun ku meelgaar ah u ah dawladda FKMG ah, tababarna ay u furi doonaan baarlamaanka Soomaaliyeed ee halkaas fadhigoodu yahay.

 

Dhinaca kale waxaa iyana maata Soo booqday safaaradaha Dowladaha Kuwait iyo weliba tan Ethiopian oo xiir fiican uu ka dhexeeyo iyaga iyo C/llaahi Yuusuf.

 

Waxaa iyana xusid mudan oo la shaaciyey in shirweyn uu qaban doono C/llaahi Yuusuf maalinka beriya taasi oo sida la sheegay ah maal mihii ugu danbeeyey safarkiisii caafimaad ee maal mahaan ku joogay dalkaan Ingiriiska.

 

A/Razak Yassin Caanogeel

Waayaha,London,UK

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Soomaalia oo xalay kulan la yeeshay xubno la sheegay in ay talo siiyeen DKM

 

 

Somaliweyn - London-UK -22/04/06

 

 

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xalay kala qeyb galay kulan ay qaar ka tirsan aqoon yahayannada Jaaliyaadda Soomaalida ay ku lahaayeen hotelka IBIS oo ku yaal bartamaha magaalada London.

Kullankan aqoonyahannada oo ku saabsanaa sidii talo loo siin lahaa dowladda ayaan wax natiijo ah ka soo bixin kullankooda ka dib markii doodo aan lagu guuleysan ay yeesheeen aqoonyahannadii ka soo qeyb galay shirka.

 

 

Shir guddoonka ayaa xiray shirkaasi kadib markii uu u arkay in dad badan doonayaan in ay iska hadlaan kana leexdaan barnaamijka sida loogu tala galay in kasta oo qaar ka tirsan aqoonyahanadaasi sheegeen lagama maarmaannnimada in dib la isugu soo noqdo shir kale.

Shir guddoonka ayaa sidoo kale sheegay in shirweyne ay ka qeyb galayaan aqoonyahanno gaaraya 65 xubnood dhawaan lagu qaban doono magaalada London oo ku saabsan sidii dowladda loo siin lahaan qoraal ku saabsan talabixin dhinacyo badan taabaneysa oo ku aaddan wax yaabaha hortaagan dowladda iyo sidii looga saari lahaa dhibaatadaasi.

 

 

Madaxweynaha oo aan hadal yar halkaasi ka sheegay ayaa aqoon yahanadana u sheegay in uu u yimid in uu salaamo asagoo hadalkiisa raaciyay in hadal ka buuxo uuna burqan doono marka uu la kulmo aqoonyahannada, haddase uu yara xanuunsan yahay, ujeedada uu London u yimidna ay ugu weyn tahay xaaladdiisa caafimaad.

 

Madaxweynaha oo muddo aad u gaaban la joogay aqoonyahannadaasi ayaa sheegay isaga oo la kaftamaya in uusan midna ka aqoonsa dadka uu la hadlayay, waa sida uu hdalka u dhigaye wuxuuna yiri waxaan ku gartay in aan duqoobay, midna kama xusuusan karo wajiyadiina.mar uu la kaftamayay aqoonyahannadaasi.

 

Alasow

alasow73@hotmail.com

London, UK

 

ysf-ldn0422_3.jpg

 

ysf-ldn0422_1.jpg

 

ysf-ldn0422_2.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Faahfaahin ku saabsan Bilaabashada Shirkii London ee Madaxweyne Yuusuf.

 

Uk: Sidaan horey u sheegnay Shirka maanta ka dhacaaya Magaalada London ee uu qabanaayo Madaxweynaha FS waxaa ka mid marti sharafta ka qeyb galaysa C/risaaq Yaasiin Caanogeel Madaxa Shabadda warbaahinta www.wayaha.com, isaga oo ku sugan xarunta shirku ka dhacaayo ayuuna noo soo direy faahfaahintaan ku saabsan shirka.

 

Shirku wuxuu ka dhacayaa Hotell Mariat oo ku yaala Xaafadda Swizkotech ee waqooyiga Magaalada London.

Shirka waxaa lagu marti qaaday Marti sharaf gaaraya 300 qof.

Kardka Casumaadda waxaa laga qaadanayaa Iridda Hoolka shirku ka dhacaayo Halkaas oo uu ku sugan yahay Mas'uulka kala wada shirkaas.

Dhinaca Amaanka waxaa qaabilsan Shirkad ka mid ah kuwa ka shaqeeya arimaha Amaanka,Waxaana aad u caawinaaya Dhalinyaro Soomaaliyeed oo iskood isu xilsaaray, Waxaa si xeel dheer loo baarayaa dhamaan ka qeybgalayaasha Shirka.

Hoolka shirku ka dhacaayo wuxuu qaadi karaa illaa 500 oo qof inkastoo la shaaciyey dadka lagu marti qaaday inay gaarayaan 300 oo kaliya.

Qofkasta kursigiisa waxaa loogu diyaariyey Qalin iyo warqado yar yar oo loogu talo qofkii wax qoranaaya inuu ka faa'iidaysto arimaha uu ka hadli doono Madaxweyne C/laahi Yuusuf, Waxaa iyaduna aan meesha ka marneyn biyaha, Qaxwaha iyo waxyaabaha kale ee loogu talo galay ka qeybgalayaasha.

Shirku wuxuu bilaaban doonaa 1:45 Saacadda Uk waana sida ay sheegayaan warar ku dhow dhow Madaxweynaha.

Wararku waxay intaas ku darayaan in shirka lagu marti qaaday Dhamaan Saxaafadda dibadda iyo tan Soomaalidaba.

Madaxweyne C/laahi Yuusuf oo beryahaan arimo Caafimaad u joogey wadanka Uk ayaa warar ku dhow dhow oo ay Heshay Shabadda www.wayaha.com waxay sheegayaan in Madaxweynuhu Maalinta Isniinta uu u safri doono Dalka Sweden.

 

Haka fogaan Shabadda Warbaahinta ee www.wayaha.com si aad ula socota wararka Shirka London ee u qabanaayo Madaxweyne C/laahi Yuusuf.

 

 

C/risaaq Yaasiin Caanogeel UK

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dankis about wararka, saaxiib. I was expecting inaad odeyga soo siyaaradid nooh. :D

 

NB, odeyga muuqaalkiisa iyo xataa qudbooyinkiisa waxaa laga dhansan karaa qof is badalay camal. I mean, toogtaan maba hadlo, oo dhif dhif uu hadlaa, markuu hadlana ereyaddii kulkulahaa wuu iska dhaafay, oo si degan u hadlaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this