Sign in to follow this  
Abwaan

Dadkii Soomaaliyeed oo cudur la taag daran iyo TFG warlords oon dan ka lahayn.

Recommended Posts

Abwaan   

Gudigga Samafalka Waagacusub ayaa lacago sadaqo ah u qaybiyay boqol bukaan oo ku xanuunsanayo Isbitaaladda Muqdisho,Xeryaha qaxootigga iyo daafaha Magaaladda Muqdisho kuwaas oo badankood la ildaran cudurka shuban biyoodka.

 

Lixdan qof oo ka mida bukaanadda shuban biyoodka soo ritay ee ku jira Isbitaalka hooyadda iyo dhalaanka ee Banaadir ayaa loo qaybiyay lacag dhan sedex milyan shilin Somali taas oo bukaankiiba loo siiyay sodon kun shilin Somali si ay nolol maalmeedka ugu kaashadaan.

 

Guddigga Waagacusub waxaa kale oo uu lacag dhan laba Milyan Shilin Somali gaarsiiyay Caruur shuban biyoodka la liita oo ku jira qaar ka tirsan xeryaha qaxootigga Muqdisho iyo kuwa ka qaxay madaafiicda oo ku nool daafaha Balcad iyo Afgooye.

 

Sadaqadaas la qaybiyay waxaa iska kaashaday Waagacusub Media and General Trading iyo Gabdha Soomaaliyeed oo ku nool dalka Ingiriiska gaar ahaan Shifield kuwaas oo iyagana soo diray sadaqa dhan boqol iyo konton dollar.

 

Gudigga Waagacusub waxaa kale oo ay dadka barakacay ee Caruurta yar yar wata gaarsiiyeen agabka nolosha qoyska sida labaatan joodari iyo adeegyo kale oo ay ka mid yahiin waxyaabaha cuntadda lagu karsado ama biyaha lagu keeydsado

 

Goobaha ay booqdeen gudigga Samafalka Waagacusub waxay kula kulmeen Caruur fara badan oo shubanka si wayn kaga socda ,loona la yahay Faleebooyinkii la dagaalanka fuuq baxa iyo Cabitaanadii afka ORS oo Muqdisho gabaabsi ku ah,heerka qiimahana ka gaaray meeshii ugu sareeysay,taas oo riixday inay iibsan kari waayaan dadka danyartaa ee Muqdisho ku badan.

 

Dadka danyarta ah ee Muqdisho ayaa ku sugan xilligaan xaalad liidato oo dhinacya badan iyagoo la daala dhacaya cuduro kala duwan iyo madaafiic aan loo meel dayin oo sababtay inay isaga hayaamaan Muqdisho,qaarkoodna ay shuban biyood iyo Malaariya ugu dhintaan degmooyinka balcad iyo Afgooye oo ah degaano Malaariyadda iyo Cuduradda kale aad ugu badan tahay.

 

Dhamaan Jaaliyadaha cidii dooneysa inay kaalmeeyso dadka danyartaa ee Muqdisho ku tabaaleeysan waxaa loogu baaqayaa inay u soo diraan sadaqo waxay u heli karayaan iyagoo ugu soo hagaajinayo cidii ay ku kalsoonaan karaan ama gudigga Samafalka Waagacusub oo si toosa u gaarsiin doono….

 

Ahmed Jelle Hassan

WaagacusubOnline@yahoo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Ma aamminsani in weriyeyaasha Soomaaliyeed qaar badan ay dagaal-oogeyaasha wax badan dhaamaan oo aad moodidba inay yihiin ubadkii ka farcamay, haddana waxaan is iri marar dhawr ah ayey u guntadeen inay qabtaan waxa ay dowlad ku sheeggu aysan qaban kana hadlin, waxaa ka mid ah dadka Soomaaliyeed ee ganacsatada ah ee xagga ammaanka ku dhibaataysan waddanka Koofur Afrika, kuwa doonyaha ku le'anaya badaha ku xeeran waddamada Yaman, Malta iyo Talyaaniga iyo hadda oo aan aragno kuwo ay cudurro ba'ani faro ku hayaan dalka gudihiisa.

 

Waxaa xitaa wararku sheegayaan in maliishiyooyinka u xaraysan TFG ay cudurradaani si ba'an u hayaan iyadoo ay sabab u tahay goobaha ay ku xaraysan yihiin sidii koronkoradii(overcrowded), and lack of proper sanitation facilities. It is really sad to watch all. these.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this