Deeq A. Posted May 3, 2024 Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa qaaday tallaabadii ugu cusleyd oo ka dhan ah Israel, xilli ay meel xasaasi ah mareyso xaaladda Gaza. Wasaaradda Ganacsiga ee Turkiga ayaa soo saartay bayaan lagu sheegay in Turkigu ay hakiyeen dhammaan badeecooyinka dhanka ganacsiga ee ay la lahaayeen Israel, sababo lagu tilmaamay duullaanka ay ku hayso Gaza. “Turkigu wuxuu si adag oo go’aan ah u fulin doonaa tallaabooyinkaan cusub ilaa ay dowladda Israel ka ogolaaneyso sii socoshada gargaarka bini’aadanimo iyo in dadka Falastiin ay helaan mucaawino aan kala go’ laheyn,” ayaa lagu yiri bayaanka. Wasiirka arrimaha dibadda Israel ayaa ku eedeeyay madaxda Turkiga in ay iska indha tirayaan danaha dadka Turkiga iyo heshiisyada ganacsiga caalamiga ah. Sannadkii 1949-kii, Turkigu wuxuu ahaa waddankii ugu horreeyay ee Muslimiin ah oo aqoonsaday Israel. Laakiin xiriirku wuu sii xumaaday tobannaankii sano ee la soo dhaafay. Sannadkii 2010-kii, Turkigu waxa uu xidhiidhka diblomaasiyadeed u jaray Israel, kadib markii 10 qof oo Turki ah oo u ololeeya Falastiin lagu dilay isku dhacyo ay la galeen ciidamada kumaandooska Israel, kuwaasi oo fuulay markab laga leeyahay Turkiga oo isku dayey in uu jabiyo go’doominta badda ee Israel ku haysay marinka Gaza. Sanadkii hore ganacsiga labada dal ee Turkiga iyo Israel ayaa ku kacay ama gaaray lacag ku dhow 7bn oo doolar oo u dhiganta (£5.6bn).The post Turkiga oo qaaday tallaabo culus oo ka dhan ah ISRAEL appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites