Deeq A. Posted May 2, 2024 Muqdisho (Caasimada Online) – Dadweyne careysan oo maanta isugu soo baxay Muqdisho ayaa dibad-bax cabasho ah ka dhigay degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir. Shacabka isugu soo baxay halkaas ayaa kasoo horjeeday dilka loo gaystay Sayid-Cali Cabdi Cadde oo kamid ahaa saraakiisha ciidanka Xoogga dalka oo u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray weerar la sheegay inay habeen hore gurigiisa oo ku yaalla degmada Boondheere ku qaadeen ciidamada dowladda. Qaar kamid ah dibad-baxayaasha oo ka hadlay falkaasi ayaa faah-faahin ka bixiyay sida ay wax u dhaceen, ayaga oo sheegay inay ka xun yihiin dilka sarkaalkaasi. “Sayid-Cali isaga oo gurigiisa joogo cadowga uu furimaha kula dagaalamaayay asoon dilin ayaa nin shaatiga uu wato la wato dilay” ayay tiri gabar kamid ah dibad-baxayaasha. Sidoo kale ehellada marxuumka oo ka qayb-galay dibad-baxa ayaa sheegay in aanay aasi doonin maydka, illaa laga soo qabanayo dambiilayaasha. Waxaa kale oo ay farriin u direen dowladda, gaar ahaan madaxweynaha, taliyaha NISA iyo hay’adaha garsoorka ee dalka. “La aasi maayo Sayid-Cali, illaa cadaalad aan ka helno dowladda waxaan ka rabnaa cadaalad” ayuu yiri mid kamid ah ehellada marxuumka. Allaha u naxariistee Saydi-Cali Cabdi Cadde oo ahaa sarkaal dhalinyaro ah ayaa kamid ahaa ciidanka lagu soo tababaray Eritrea, wuxuuna ka qayb-qaatay howlgallada xoreynta ee ka socda gobollada dhexe, wuxuuse ugu dambeyn ku baxay isla gacanta ciidanka dowladda. The post Daawo: SHACAB careysan oo dibad-bax ka dhigay Muqdisho appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites