Sign in to follow this  
General Duke

PM on a trip to Mogadishu+ IGAD troops+ other news

Recommended Posts

geedi.jpg

 

Ra'salwasaare Cali Maxamed Geeddi oo booqasho ku tegaya Magaalada Muqdisho

 

Nairobi - 27.April.2005 Kulan ka dhacay magaalada Nairobi oo ay isugu yimaaddeen qaar ka mid ah danjirayaasha dalalka Carabta, ayaa ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Cali Maxamed Geeddi waxaa uu shaaca kaga qaaday in uu maalinta Jimacaha ah ee 29-ka bishan April uu booqan doono magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

 

Ra’iisal wasaaruhu waxaa uu sheegay in uu qorsheystay in dadka reer Muqdisho si niyad sami ah ula hadlo marka uu gaaro magaalada Muqdisho.

 

Safarka Cali Maxamed Geeddi ee magaalada Muqdisho ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee uu caasimadda ku tago tan iyo markii loo doortay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya.

 

Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa waxaa lagu waddaa in uu kulan la yeesho xubnaha labada gole ee dawladda Federaalka Soomaaliyeed inta uu ku sugan yahay magaalada Muqdisho.

 

Mar uu ka hadlayey kulanka uu la yeelan doono xubnaha labada gole ee Muqdisho jooga waxa uu sheegay in uu rajo wanaagsan ka qabo isafgarad dhex mara isaga iyo ragga kale ee ay dhinaca aragtida siyaasadeed ku kala geddisan yihiin.

 

Keyse Caamir

SBC Nairobi

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ra'iisul Wasaare Geedi oo sheegay in uu maalinta jimcaha tegi doono Magaalada Muqdisho

 

Ra'iisul Wasaaaraha Dowladda Federaalka KMG ee Somaaliya Prof Cali Maxamed Geedi ayaa maanta shaaca ka qaaday in uu maalinta jimcaha tegi doono Caasimada dalka ee Muqdisho. Prof Geedi waxa uu hadalkan ka sheegay mar uu xafiiskiisa kula kulmay Danjirayaasha dalalka jaamacadda carabta ee fadhigoodu yahay Magaaladda Nairobii ee Dalka Kenya.

 

Wuxuuna intaa raaciyay in uu doonayo isagoo tixgelinaaya danta iyo maslaxadda Shacbiga in uu la kulmo Xubnaha Golihiisas Wasiiradda iyo Xildhibaanada Golaha Baarlamaanka ee ku sugan Magaaladda Muqdisho si uu ugu qanciyo inay u raacaan Magaalada Neyrobi oo ay markaasi uga wada-hadlaan Guud ahaan arrimaha Dalka , gaar ahaan xallinta Magaaladda Muqdisho oo uu Goluhu ka doodo.

 

Raiisul Wasaaraha Dowladda soomaaliyeed wuxuu Danjirayaasha u sheegay in ay ugu dambeyn u guuri doonaan Dalka Soomaaliya aakhirka Bisha May ee soo socota, wuxuuna ka dalbay Danjirayaasha carbeed in ay gacan ku siiyaan dowladda Soomaaliya dib u gurista,dib u howgalinta hay'adaha Maamulka ee xukuumadda iyo soo-celinta Amaanka iyo kala dambeynta.

 

Danjiraha Dalka boqortooyadda sacuudiga Al-sayid Nabeel Cashour oo ku hadlaayay magaca danjirayaasha ayaa u sheegay in uu soo dhaweynayo tegista Ra'iisul wasaaraha ee Magaladda Muqdisho ayna tahay talaabo Horumara oo loo qaaday dhinaca Nabadda,isagoo sheegay in loo baahanyahay in Xubnaha Golaha wasiiradda ay arrinta Muqdisho iyo Guud ahaan Dalkaba ka doodaan Go'aana ka gaaraan kadibna ay u gudbiyaan Golaha Baarlamaanka si ay Go'aan kama dambeys ah uga gaaraan.

 

Danjire Nabeel Cashour wuxuu kaloo sheegay in Dalalka carabta ay gacan ka geysan doonaan dib u guurista Dowladda iyo guud ahaan barnamijyada deg-dega ee ay Xukuumaddu u baahantahay, wuxuuna tilmaamay in ay Dalalkooda u gudbin doonaan baahida Dowladda Soomaaliyeed iyo sidii loogu soo de-dejin lahaa Dhaqaalihii ay Dalalka Jaamacadda carabta u qorsheeyeem Dalka Soomaaliya markii ay ku kulmeen Magaaladda Aljeeris ee dalka Aljeeriya taasoo dhameyd 26 milyan oo dollar oo loo qeybiyay bixinteeda dalalka xubnaha ka ah Jaamacadda carabta,

 

Isla maanta ayuu prof Cali Maxamed Geedi wuxuu kaluu xafiiskiisa kula kulmay Agaasimaha waaxda Siyaasadda ee qeybta Afrika ee hay'adda Qaramadda midoobay Mr.Haile Menkerios.

 

Prof.Geedi iyo Mr.Menkerios waxay kulankaasi iskula soo qaadeen qodobo muhiim ah oo ku aadan Guuritaan Dowladda,Dhaqagalinta Xabad-joojin guud oo ka hirgasha Dalka Soomaaliya iyo sidii loo meeleyn lahaa Maleeshiyooyinka Hubka sita, islamarkaana hubka looga dhigi lahaa.

 

Ra'isul Wasaaraha iyo Agaasimha waxay kaloo kulankaasi iskula soo qaadeen arrinta la xirirta Ciidamada Igad ay ugu talagashay in ay Soomaaliya usoo dirto iyo kaalinta ay Hay'adda Qaramadda Midoobay ka qaadaneyso sidii Dowladda soomaaliyeed gacan loogu siin lahaa dib u dhiska hay'adaha suga Amaanka gaar ahaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

 

Kulankaasi waxaa Ra'iisul wasaaraha ku wehliyay Ra'iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Maaliyadda Mudane Saalim Caliyow Ibro, Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane cabdirisaaq Cusmaan Juriile iyo masuuliyiin kale, halka uu dhinaca Qaramadda midoobay ka joogay Aba Femi oo ah sii-hayaha Wakiilk xoghayaha Guud ee Arrimaha Soomaaliya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ra'iisal wasaraha Xukuummadda FKMG ah iyo wefti uu hoggaamin doono oo Muqdisho ku soo fool leh

Posted to the Web Apr 27, 19:32

 

 

Nairobi:-Rai'iisal wasaaraha Xukuummadda FKMG ah Md.Cali Maxamed Geedi iyo wefti uu horkacayo ayaa waxay u socdaali doonaan maalinta Jimcaha ah ee socota Magaalada Muqdisho,iyadoo ay wehelin doonaan Wafuud ka kala tirsan labada Gole ee Dawladda FKMG ah.

 

Cali Maxamed Geedi ayaa waxay noqon doontaa markii ugu horreysay ee isagoo Ra'iisal wasaare ah socdaal ku tago Magaalada Muqdisho tan iyo markii uu qabtay xilkaasi,waxayna wararka hoose ee ka soo baxaya safarka Geedi tilmaamayaan inay halkaasi u tagi doonaan soo qiimaynta xaaladda ammaanka ee magaalada,isagoo Ra'iisal wasaaruhu kulamo kala duwan la soo yeelan doona Qaybaha kale duwan ee Bulshada.

 

Warar madaxbanaan oo ka imaanaya ilo ku dhow dhow socdaalka Ra'iisal wasaaraha ayaa waxay tibaaxayaan in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ka mid noqon doono ma'suuliyiinta Geedi safarka ku wehelin doonta si uu markaas u guda galo gudashada shaqadiisa ma'suuliyadeed.

 

Dhanka kale Wefti ka socda IGAD iyo Beesha caalamka ayaa waxaa lagu wadaa inay maalmaha soo socda u safraan Muqdisho,kuwaasoo kala soo hadli doona dadka Reer Muqdisho inay si buuxda u soo dhaweeyaan Dawladda FKMG ah,waxayna kulamo wada tashi ah la yeelan doonaan Xubnihii isugu jiray labada Gole ee ku sugnaa Muqdisho,kuna hawlanaa nabadaynta magaaladaasi si loogu qanciyo xubnahaasi inay dib ugu soo laabtaan Nairobi si ay uga qaybqaataan barnaamijka dib u guuritaanka ah ee ay ku gudo jirto Xukuummadda FKMG ah,islamarkaasna looga gudbo ismaandhaafka ka dhextaagan Xubnaha Dawladda.

 

Jaamac Ismaaciil Dharbaaxo

Puntlandpost,Nairobi,Kenya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Raysal Wasaare Geedi oo Maanta la kulmay Wakiilka Qaramada Midoobay u fadhiya Wadamada Afrika iyo masuuliyiin kale

Posted to the Web Apr 27, 17:52

 

 

Nairobi:- Raysal Wasaaraha DFKS Prof.Cali Maxamed Geedi ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay u qaybsanaha Arrimaha Siyaasadda ee wadamada Afrika u fadhiya Hay'ada Qaramada midoobay Mr.Haile Menkerios.

 

Mr.Haile Menkerios ayey Mudane Geedi kawada hadleen sidii loo xoojin lahaa arrimo muhiima oo ay DFKS ay uga baahan tahay Wadamada Afrika iyo Qaramada Midoobayba, arrimahaas oo ay kamid yihiin Guuritaanka Dowladda,Hubka dhigista Maleeshiyaadka Soomaaliyeed, iyo sii xoojinta Axdi qarameedkii lagu gaaray Wadanka Kenya.

 

Warar hoose oo ka soo baxaya fadhiga labaadaas Masuul ayaa sheegaya inay isku fahmeen dhamaan waxyaalihii ay ka wada hadleen oo ay ugu mihiimsanayd, sidii ay qaramada midoobay ay uga geysan lahayd arrimaha Soomaaliya Gacan libaax leh, iyo sidii ay qaramada midoobay iyo dalalka Afrikaba uga taageeri lahaayeen Dowlada Federaalka ee Soomaaliyeed dhinaca Amaanka iyo dhisida howlaha waajibka ku ah Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

 

Raysal Wasaaraha ayaa waxaa kulankaas dhinaca dowladda kaga weheliyey qaar kamida Masuuliyiinta Dowlada Federaalka ee Soomaaliyeed oo kala ah Wasiirka Maaliyada Mudane Saalim Caliyow Ibro, iyo Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane cabdirisaaq Cusmaan Juriile iyo masuuliyiin kale,halka ay qaramada midoobay uu ka joogay siihayaha u qaybsanaha arrimaha Soomaaliya u fadhiya qaramada midoobay ninka lagu magacaabo Aba Femi.

 

 

Puntlandpost.com

Puntlandpost,Nairobi,Kenya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Uganda oo ka hadashay xiliga ciidamadeeda nabad ilaalintu tagayaan Soomaaliya

- Wednesday, April 27, 2005 at 13:34

 

 

 

Kambala (AllPuntland)- Dowladda uganda ayaa xalay daboolka ka qaadday inay 750 ciidamadeeda militariga ah ay soo gaarsiinayso 8da Misha May ee 2005ta.

 

Afhayeenka ciidamada Qalabka sida ee Uganda captain Shaban Bantarzia ayaa u sheegay BBC-da warkan oo ah in qeybtii ugu horreysay ee ciidamada dowladda Uganda ugu talo gashay ciidamada IGASOM ee ka tirsan dalalka IGAD ay tagi doonaan Soomaaliya.

 

 

 

Afhayeenku wuxuu intaa ku daray in ciidamada Uganda iyo kuwa Suudaan iyo dalal kaleba laga sugayo ciidamo ay soo diraan si ay u sugaan ammaanka dowladda Federalka ee Soomaaliya kana caawiyaan howlaheeda marka ay degto gudaha dalka, isla markaasna ay ciidamadaasi u sameeyaan hub ka dhigis maleeshiyooyinka.

 

 

 

Afhayeenka wuxuu intaas ku daray in ciidamada Uganda aysan dagaal la geli doonin kooxaha hubeysan ee ku sugan gudaha dalka ee carqaladda ka wada deggenaanshaha iyo nabadda Soomaaliya.

 

 

 

“Ma weerareyno haddii aan nala soo weerarin, balse haddii laysku dayo in nala soo weeraro waan iska difaacaynaa ayuu yiri captain Shaban, wuxuuna sheegay inay taageerayaan dhinaca nabadda haddiise hoggaamiye kooxeedyada Soomaalida ee diiddan in ciidamo la keeno Soomaaliya ay soo weeraraan fariisimadeena waan difaaci doonaa, welibana haddii amar nalagu siiyo inaan hubka ka uruurino maleeshiyooyinka hubeysan, taasi waan ku dhaqaaqi doonaa ayuu sii raaciyay hadalkiisa, isagoo daba dhigay inay u baahan yihiin oo kaliya in Q/midoobay ay fasax u siiso, isagoo ku baaqay in dadka Soomaaliyeedna ay ciidamada soo dhoweeyaan oo aanay la safan hoggaamiye kooxeedyada fara ku tiriska ah ee ka horjeeda nabadda Soomaaliya.

 

 

 

Captain Shaban wuxuu hadalkiisa ku diray in dowladda Uganda ay u qorshaysnayd in 30ka bishan ay ka howl gasho gudaha dalka Soomaaliya, balse duruufo jira awgeed ayuu ku sheegay inuu dib u dhac ku yimid iyo isagoo sii raaciyay hadalkiisa in sidoo kale dowlado laga sugayay ciidamo ay weli ku jiraan diyaar garow, kuwaasoo uu sheegay inay ka mid yihiin dowladda Nigeria, Suudaan iyo kuwo kaleba.

 

 

 

Cali Muxiyadiin

 

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xukuumada Ugandha oo shaaca ka qaadey xiliga Ciidamadeedu cagaha dhigayaan Soomaaliya.

 

Kambala-27.April.2005 Xukuumada Wadanka Ugandha ayaa daboolka qaadey xiliga ugu horeeyey oo cutubyo ka mid ah Ciidamada ay imaan doonaan Wadanka Soomaaliya, Afhayeenka Ciidamada Ugandha Major Shaban Bantariza ayaa wuxuu sheegay in ciidamo gaaraya 750 askari oo hordhac u ah Ciidamada Ugandha ay imaan doonaan Soomaaliya Todobaadka ugu horeeye bisha May.

 

Ciidamada ayaan sarkaalkaasi ka tirsan Xukuumada Ugandha wuxuusan sheegin halka ay ka imaan doonaan Soomaaliya, waxaase uu sheegay in hawsha ugu weyn ee ay imaanayaan ay tahay si loo xaqiijiyo amaanka DFKMG ah ee Soomaaliya, isla markaana ay dib ugu soo laabato Wadanka.

 

Major Shaban Bantariza wuxuu sheegay in Ciidamadani ay qayb ka yihiin Kumanaan Ciidamo ah oo la doonayo inay ka yimaadaan Dalalka Afrika waxaana kuwa ugu horeeya ay ka imaanayaan Wadamada Ugandha iyo Suudaan, isagoo intaasi sii raaciiyey in Sidoo kale Urur Goboleedka IGAD ay qayb ka yihiin Wajiga labaad ee Ciidamada la doonayo inay yimaadaan Soomaaliya.

 

Hadalhayeenka Ciidamada Wadanka Ugandha oo la waydiiyey sida ay u wajihi doonaan hadii Dagaal iyo iska caabin kaga timaado Kooxaha Soomaalida gaar ahaan Qabqablayaasha Dagaalka ayuu wuxuu ku nuuxnuuxsadey inaysan gacmaha laaban doonin hadii la soo weeraro, waxaase uusan meesha ka saarin in hadii ay u ogalaato Qaramada Midoobey ay Ciidamadaasi diyaar u yihiin inay hubka ka dhigaan Kooxaha Maleeshiyaadka Hubaysan ee Soomaaliya gaar ahaan wax uu ku tilmaamey Qaswadayaal ay ka dagi weyday Soomaaliya.

 

C/risaaq Bulqaas

SBC Boosaaso.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha iyo Ras’salwasaaraha DFKMG ah oo maanta la shirey Maxamed Dheere

 

Nairobi-27.April.2005 Wararka ka imaanaya Magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo iminka fariisin u ah Golayaasha DFKMG ah ayaa sheegaya in maanta kulan saacado qaatay uu dhex maray Madaxweynaha iyo Rasa’salwasaaraha DFKMG C/laahi Yuusuf Axmed iyo Cali Maxamed Geedi iyo Maxamed Cumar Xabeeb(Maxamed Dheere).

 

Kulankan ayaa la sheeggay in Masuuliyiintaasi ay kaga wadahadleen arimo ku aadan dib u soo guurida dowladda KMG ah iyo qorshihii ahaa in Dowladdu xarun KMG ah ka dhigato magaalooyinka Baydhabo iyo Jowhar.

 

Warar ku dhaw dhaw kulankaasi ayaa si hoose ugu dusiyey Idaacada SBC in Maxamed Dheere uu u gudbiyey Madaxweynaha iyo Ra’salwasaaraha hanaanka ku saabasan sida Maamulkiisu ugu diaayr garoobey in Xukuumadu tagto Magaalada Jawhar ee Xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaasi oo ay Golaha Wasiiradu go’aamiyeen in ay la wadaagto Magaalada Baydhabo xarunta KMG ah ee ay Xukuumadu saldhiga doonto.

 

Sidoo kale Kulan si gaar ah u dhexmarey Ra’salwasaare Cali Maxamed Geedi iyo Maxamed Dheere ayaa la sheegay in ay kaga wadahadleen socdaalkii ugu dambeeyey ee Maxamed Dheere ku tagey Magaalada Muqdisho, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in Maxamed Dheere uu uga warbixiyey Prof Geeddi heshiis dhawaan magaalada muqdisho uu kula galay xubno uu ka mid ahaa Ganacsade Hubaysan Bashiir Raage iyo Hogaamiye maleeshiyaadka C/qaadir Beebe.

 

Keyse Caamir

SBC Nairobi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Raysal Wasaare Geedi oo raadinaya kalsoonida shacabka Magaalada Muqdisho iyo deegaanada ku teedsan

Posted to the Web Apr 28, 13:16

 

 

Muqdisho:-Raysal Wasaare Dr.Cali Maxamed Geedi ayaa maalintii shalay shaaca ka qaaday inuu safar uu ku tegayo Magaalada Muqdisho, talaabadaas uu qaaday Raysal wasaare Geedi ayaa farax gelisay dhamaan Shacabka Magaalada Muqdisho.

 

Wararka ka imaanaya daafaha Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in diyaar garow aad u heer sareeya laga wado magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda Gaar ahaan (Jowhar,Cadale,Aadan-Yabaal iyo Warshiikh, Balcad,Huriwaa, Madiina,towfiiq,Wardhiiglay,Shangaani, iyo degmooyin badan oo ka tirsan magaalada Muqdisho,taasoo ay wadaan shacabka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Muqdisho.

 

Safarka uu Raysal wasaaraha Soomaaliya uu ku tegayo Magaalada Muqdisho ayaa ku soo begantay waqti ay magaalada Muqdisho ay ku sugan yihiin xubnaha Mucaaradka ee ka soo horjeeda Dowladiisa,kuwaas uu u tusay shacabka Magaalada Muqdisho inuusan Raysal-wasaare Cali maxamed Geedi uusan aheyn shaqsi ka muhiima Magaalada Muqdisho iyo Nawaaxigeeda.

 

Dhinaca kale Raysal wasaare Geedi ayaa ka gaabsaday waxyaalaha uu kala hadli doono Shacabka Magaalada Muqdisho,waxaase loo malaynayaa inay tahay soo af-jarida Sawiradii foosha xumaa ee horay looga siiyey Shacabka ku dhaqan Magaalada Muqdisho iyo soo qiimaynta xaalada amaan ee ka jirta Magaalada Muqdisho.

 

Maalinta Jimcaha ee fooda inagu soo haysa ayaa la filayaa inuu Raysal wasaaruhu uu isu tusin doono shacabka Magaalada Muqdisho inuu yahay ninka kaliya ee ka saari kara dhibkii ay shacabka muqdisho ay ku jireen 15kii sano ee lasoo dhaafay.

 

Arrinta Xiisaha leh ee ku aadan Booqashada Raysal-wasaaraha ayaa ah mid taariikhiya maadaama uu yahay nin si rasmiya uga soo jeeda Magaalada Muqdisho, ahna aqoon yahay Soomaaliyeed,kalsoonina ay ku qabaan inta badan shacabka Muqdisho iyo Soomaalida inteeda kaleba.

 

Inkastoo qaban qaabada soo dhowenta Raysal Wasaaraha ay u riyaaqeen shacabweynaha Soomaaliyeed hadana guushiisa Siyaasadeed ayey ku xiran tahay hadba suu iftiimiyo Dhibaatooyinkii Qab-qablayaashu u geysteen Soomaaliya,gaar ahaan Magaalada Muqdisho,iyo inay reer Muqdisho ay ubaahan yihiin shaqsi ku hogaamin kara jidka wanaagsan horumarka u keeni kara,iyo siduu uga samata bixin lahaa dhibka ay ummadu ku jireen 15kii sano ee la soo dhaafay.

 

Ahmed Cali (garyare)

Puntlandpost,Muqdisho,Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Magaalada Muqdisho oo isu diyaarineysa soo dhoweynta ra'iisal wasaaraha Soomaaliya

 

Muqdisho - 28.April.2005 Waxaa magaalada Muqdisho ka soconaya diyaar garow xoog leh oo ku aaddan sidii loo soo dhoweyn lahaa ra'iisal wasaaraha dawladda federaalka Soomaaliyeed, Prof. Cali Maxamed Geeddi.

 

Ra'iisal wasaaraha ayaa waxaa la filayaa in uu maalinta berrito ah gaaro caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

 

Diyaar garowga ugu xoogga badan ayaa waxaa uu ka socdaa xaruntii hore ee Villa Somalia, halkaas oo ay gacanta ku hayaan taageerayaasha wasiirka arrimaha gudaha ahna ra'iisal wasaare kuxigeenka dawladda federaalka Soomaaliyeed, Xuseen Maxamed Caydiid oo la sheegay wafdiga imanaya magaalada Muqdisho in uu ka mid yahay.

 

Sidoo kale wafdiga imanay Muqdisho maalinta berrito ah ayaa waxaa ka mid ah Maxamed Cumar Xabeeb oo ah maamulaha gobolka Shabeellaha Dhexe.

 

Inta badan magaalada Muqdisho gaar ahaan dhinaca waqooyi ayaa waxaa laga dareemayaa diyaargarowga soo dhoweynta.

 

Dhinaca kale, wafdiga golayaasha dawladda federaalka ee magaalada Muqdisho ku sugan ayaan iyagu wadin wax diyaar garow soo dhoweyn ah, qaarkoodna waxay sheegeen in aanay waxba kala socon.

 

Prof Cali Maxamed Geeddi ayaa la filayaa in si weyn loogu soo dhoweeyo magaalada Muqdisho iyadoo maalinta Jimaha ee berrito ay tahay fursad kale oo ay dadku shaqooyinkii iyo dugsiyadii waxbarashada ay kaga nasanayaan.

 

MM Dhoorre

SBC Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this