Gabbal Posted October 19, 2006 Roobabkii Dayrta oo kacurtay Deegaanada Gobalka Gedo Roobabkii Dayrta oo kacurtay Deegaanada Gobalka Gedo Waxaana kamid ah deeganada ay ka de’een roobabkaan dhamaan degmooyinka uu ka kooban yahay gobalka gedo sida luuq,dooloow,Baladxaawo celwaaq iyo garbahaarey iyo waliba dhamaan deeganada baadiyaha ah ee hoos yimaada gobolkan gedo. Waxaa ka curtay dhamaan deegaanada Gobalka gedo roobabkii dayrta ee ay wada sugayeen dhamaan dadka ku dhaqan deegaanada gobolka gedo. Khaasatan dadka xoola dhaqatada ah kuwaasoo kumanaan xoola dhaqata ah ay soo dhaweeyeen roobkaan ayaa kusoo beegmay xili ay gobalka ka jirtay abaaro baahsan oo saameeyay dadka iyo waliba duunyada. Ma jiraan wax khasaara ah oo ay gaysteen roobabkaan ka da’aya dhamaan degmooyinka hoos yimaado gobolka gedo ee dalka soomaaliya, dadka deegaanadaasna aad bay ugu farxeen raxmada ilaahay siiyay una soo dhaweeyeen iyadoo lagu jiro bishii barakeysneed ee Ramadan. Jaamac C/laahi Guudcad E-mail jaamacyare@hotmail.com Afnugaal Gedo/ B/xaawo. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted October 19, 2006 Toghdeer and now Gedo alhamdulilah.. A good Eid insha ALLAH. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Gabbal Posted October 19, 2006 Inshallah sxb, inshallah. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Allamagan Posted October 20, 2006 Alhamdulillaah! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Gabbal Posted October 21, 2006 Roobab lagu diirsaday oo ka da'ay gobolka Gedo Baardheere 21, Oct.06 ( Sh.M.Network) Roobabkii xilliga Deyrta ayaa lagu soo waramayaa in ay ka curteen deegaano ka tirsan gobolka Gedo oo abaaro ay ka jireen. Roobabkii xiliga deyrta oo caadiyan di'i jirey xilligaan oo kale sanad waliba ayaa haatan ka curtay inta badan degmooyinka iyo tuulooyinka uu ka kooban yahay gobolka Gedo, xilli maalmihii la soo dhaafay ay deegaanada qaar ka taagnaayeen xaalado biyo la'aan baahsan iyo cunno yari. Degmada Baardheere iyo qaar ka mid ah tuulooyinka hoos-yimaada ayaa shalay galab ilaa iyo xalay waxaa ka da'ayay roob xoogan oo isdaba joog ah, roobkaasi ayaa waxaa ku qabowsaday dadka iyo duunyada ku nool magaaladaasi, iyadoo aan la soo sheegin wax qasaaro ah oo ay geeysteen roobabkaasi oo biyo dhigay wadooyinka. Dhinaca kale roobab kuwaan la mid ah ayaa waxa ay ka da'een deegaano ka tirsan gobolka Gedo oo ay ka mid yihiin magaalooyinka B/xaawo, Luuq iyo Garbahaarreey, iyadoo si weyna loogu qabowsaday. Axmed Cumar Saalixi Shabelle Media Network Gedo Quote Share this post Link to post Share on other sites