Sign in to follow this  
General Duke

Shariif Xasan, Mogadishu is not safe enough: It needs more time

Recommended Posts

Shariif Xasan, " Ma filayo in ay haatan suurta galtahay in dowladda ay u guuri karto Xamar balse waxaa jira ballan qaad ay qaadayaan mas'uuliyiinta dowladda iyo hoggaamiyeyaasha magaalada Muqdisho in ay furayaan dekedda iyo garoonka magaalada Muqdisho ayna sugayaan ammaanka magaalada inta aysan u guurin dowladda Xamar". (Wareysi) Ruunkinet 19/02/05

 

Waxaan wareysi la yeelanay guddomiyaha baarlamaanka mudane Shariif Xasan. Wareysigana wuxuu u dhacay sidan.

 

Ruunkinet: Mudane Guddomiya bal ka warran safarkiina magaalada Rooma.

 

Gud. Safarkeena waa safar ku saabsan casumaad aan ka helnay baarlamaanka dowladda Talyaaniga si fiicanna way noo soo dhaweeyeen.

 

Ruunkinet: Ma kala hadasheen dowladda Talyaaniga arrimaha murugsan ee Soomaalida ku nool dalkan Talyaaniga maadaama intooda badan aysan lahayn sharci ay ku joogaan dalkaan wax shaqa ahna ku haysan.

 

Gud. Haa waxaan arrintaasi kala hadalnay mas'uuliyiinta sare ee dowladda Talyaaniga waxayna noo balan qaadeen in ay wax ka qabanayaan.

 

Ruunkinet: Bal ka warran safarkii aad adiga iyo wafdi aad hoggaaminaysay ku tagteen magaalada Muqdisho.

 

Gud. Wuxuu ahaa safar si wanaagsan naloogu soo dhaweeyay waxaanna tagnay maalo badan.

 

Ruunkinet: Ma kula tahay in haatan dowladda ay u guuri karto magaalada Muqdisho.

 

Gud: Ma filayo in ay haatan suurta galtahay in dowladda ay u guuri karto Xamar balse waxaa jira balan qaad ay qaadayaan mas'uuliyiinta dowladda iyo hoggaamiyeyaasha magaalada Muqdisho in ay furayaan dekedda iyo garoonka magaalada Muqdisho ayna sugayaan ammaanka magaalada inta aysan u guurin dowladda Xamar.

 

Ruunkinet: Muddo miyey qabsadeen inay arrintaasi ku sameynayaan mise waa loo qabanayaa.

 

Gud. Aniga waxaan qabaa in loo qabto muddo 3 bilood ah si ay u fuliyaan arrintaasi.

 

Ruunkinet: Xaggeed jeclaan lahayd in laga dhigo caasima ku meel gaarka ah inta Xamar ammaankeeda laga sugayo

 

Gud: Taas waxaa go,aankeeda u dhaafayaa mudanayaasha baarlamaanka

 

Ruunkinet: Dowladda Kenya ma ogolaaneysaa in aad sii joogtaan magaalada Nayrobi 3 bilood oo kale.

 

Gud: Waan ka codsanyenaa dowladda Kenya in ay arrintaasi yeelaan.

 

Ruunkinet: Maadaama aad ka mid tahay 3da nin ee ugu sareysa dowladda, isku aragti ma ka tihiin saddexdiina arrinta ku saabsan u guuridda Xamar.

 

Gud: Dhammaanteed waxaan isaga aragti ka nahay in aysan fashilmin dowladdan maxaa yeelay haddii ayadoo aan diyaar loo ahayn Xamar loo guuro waa la fashilmi karaa danna uma aha dowladda iyo shacabkeeda in ay dowladdan fashilanto.

 

Ruunkinet: Sidee u aragtaa in ay ka mid noqdaan ciidamada dowladda Itoobiya in lagu soo daro ciidamada Afrikaanka ah ee la doonayo in Soomaaliya la keeno si ay hubka uga dhigaan maleeshiyada.

 

Gud: Shacabka aan Xamar ku soo arkay ma rabaan in Itoobiya ciidamadeedu yimaadaan Soomaaliya balse aniga waxa ay baarlamaanka u arkaan dan ayaan raacayaa.

 

Ruunkinet: Dowladda Talyaaniga maadaama aysan aqoonsaneen baasaboorka Soomaaliya xiriirkiina sideebuu u wanaagsanaan karaa.

 

Gud: Waxna waa wax la soo dhaafay waxna haatan ayaa loo baahan yahay in wax laga qabto. Arrintan waa mid haatan u baahan in wax laga qabto.

 

Mahadsanid mudane Guddomiye,

 

Waxaa waresystay;

 

 

C. Cali, Ruunkinet, Rooma

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this