SOO MAAL Posted March 1, 2005 Madaxweyne Geelle: "Sidii dowladihii hore lugaha loo haystay, tana in lagu daro baa la doonayaa" Burtinle-Online Jimce, Febraayo 25 2005 Madaxweynaha dowladda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in dowladiisu taageereyso rabitaanka maamulka Soomaaliyeed ee dhowaan lagu doortay dalka Kenya. Madaxweyne Geelle oo u waramay idaacada BBC laanta afka Soomaaliga ayaa cadeeyay in dowladiisu diyaar u tahay in ay ciidamo u dirto Soomaaliya, marka ay labada golle ee dowladda si rasmi ah u codsadaan. Madaxweynaha ayaa ka deyriyay qaabka ay u dhaqmayaan hogaamiyeyaasha Soomaalida, isagoo ku tilmaamay kuwo danahooda gaarka ah u adeegaya isla markaana doonaya in ay shacabka marba meel u jeediyaan. Ismaaciil Cumar Geelle oo hadaladiisa niyad jab laga dareemi karay ayaa sheegay sheegay in isaga iyo madaxweynayaasha wadamadda IGAD ay diyaar u yihiin in ay dowladda cusub ka caawiyaan wax walba oo karaankooda ah. Madaxweyne Geelle ayaa dhanka kale dhaliilay go'aankii ay dowladda Kenya ku diiday in ay ka qeyb qaadato ciidamada nabad ilaalinta ee la filayo in Soomaaliya loo diro. Burtinle-Online editor@burtinle.com LISTEN PRESIDENT GEELLE Quote Share this post Link to post Share on other sites