Sign in to follow this  
General Duke

Ugandan troops ready to be deployed in Somalia

Recommended Posts

Afhayeenka Ciidamada Ugaandha oo sheegay in Ciidamada Wadanka Ugandha ay u diyaar garoobeen in loo daabulo Soomaaliya iyo deegaanka Daafuur

Posted to the Web May 30, 12:38

 

 

Kampala:-Ninka isagu u hadla Ciidamada Ugandha Major Shacban Bantariza ayaa maalintii Axada ee ina soo gudubtay ku dhawaaqay in Ciidamada Difaaca ee Wadanka Ugandha ee loo yaqaano (UPDF) ay gebi ahaanba ay dhamaysteen Tababarkoodii ayna hada u diyaar u yihiin in loo daabuleeyo Gudaha Wadanka Soomaaliya iyo gobolka Daafuur si ay uga fuliyaan howlo nabadeed.

 

Afhayeenka ayaa si toosa uga sii daayey warbixintiisa Raadiyaha qaranka ee wadanka Ugandha ,isagoo ku tilmaamay dib u dhacii ku yimi Ciidamadan inay salka ku ahayso inay ka heleen fariino lagu hakinayo Ciidaman, Urur goboleedka (IGAD),Midowga Afrika(AU),iyo Qaramada midoobay(UN).

 

Bantariza ayaa wuxuu kaloo sheegay in Ciidamada loo daabulayo wadanka Soomaaliya ay go'aankeeda iska leeyihiin Wadamada ku bahoobay midowga Afrika,halka kuwa ku howlan nabad ku soo dabaalida Daafuur ay ku jirto gacanta qaramada midoobay.

 

Midowga Afrika ayaa urur goboleedka IGAD oo ay ku bahoobeen wadamada Ugandha,Kenya,Soomaaliya,Sudan,eriteriya,Itoobiya,iyo Jabuuti ayaa horay ugu ogolaaday inay wadamadaasi ay Ciidamo u diraan wadanka Soomaaliya,si ay uga caawiyaan Dowlada Federaalka Soomaaliyeed, sidii ay uga howl geli lahayd gudaha wadanka Soomaaliya.Wuxuuna af hayeenku intaa raaciyey in ciidamada Ugandha ay u dirayso wadanka Soomaaliya ay kor u dhaafayso 1000 Askari.

 

Bantariza ayaa ku soo gaba-abeeyey warbixintiisa inay Ciidamada wadanka Ugaandha ay qaarkood ay ka qayb qadaadan doonaan howl maliteri oo ay ka fulinayaan deegaanka Karimojong oo kuyaal qaybta waqooyiga bari ee isla wadankaasi.Wuxuuna af-hayeenku ugu baaqay qolooyin uu ku sheegay inay hub aan sharci aheyn ay ku haystaan degaanadaas,ay si deg dega u soo wareejiyaan hubkooda, hadii kale dowladu ay u adeegsan doonto awood.

 

 

Puntlandpost.om

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kampala: Ciidanka Uganda oo u diyaar garoobay inay tagaan Soomaliya iyo Darfoor.

- Monday, May 30, 2005 at 10:01

 

KAMPALA(AllPuntland)- Afhayeenka Ciidanka milatariga dalka Uganda Major: Shaban Bantariza ayaa shaaca ka qaaday in Ciidanka Difaaca Uganda ee UPDF ay dhamaysteen tabobaradii usocday haatanna ay diyaar yihiin inay tagaan Soomaaliya iyo Darfoor.

 

Mr Bantariza wuxuu u sheegay Radioga dalka Uganda in guuritaankii Ciidanka ay uguuri lahaayeen Soomaaliya uu dib u dhac horay ugu yimid , taasna uu keenay urur goboleedka IGAD , midowga Afrika (AU) iyo Qaramada midoobay (UN).hase ahaatee wuxu sheegay inay haatan diyaar garoobeen.

 

Afhayeenka Ciidanka milatariga Uganda wuxuu sheegay in Go'aanka Ciidamada Soomaaliya lagu gaynayo uu ka go'o urur goboleedka IGAD halka go'aanka kale ee ciidanka lagu gaynayo Daarfoorna uu ka go'o Qaramada midobay.

 

Midowga Afriak aya hory u sheegay in dalalka IGAD ee kala ah:r Uganda, Kenya, Somalia,Sudan, Ethiopia, Eritrea iyo Djibouti, ay ciidamo nabad ilaalin ah u diraan dalka Soomaaliya si ay u ilaaliyan dawladda ugana qayb qaataan hub ka dhigista , dalka Uganda asagu waxaa uu diyaariyay Ciidan kor u dhaafaya 1,000 askari.

 

Source: Xinhuanet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ugandan army readies for Somali, Darfur deployment

 

 

KAMPALA, May 29 (Xinhuanet) -- Ugandan army spokesman Major ShabanBantariza Sunday said the Uganda People's Defense Forces (UPDF) has completed their training and are now ready for deployment to Somalia and Darfur region in Sudan for peace mission operations.

 

The spokesman was quoted by Radio Uganda as saying that the team's departure had been delayed by the Inter-governmental Authority on Development (IGAD), the African Union (AU) and the United Nations (UN).

 

Bantariza explained the Somali mission was expected to be sanctioned by the AU while that of Darfur is under the UN secretariat.

 

AU has authorized the IGAD countries, or Uganda, Kenya, Somalia,Sudan, Ethiopia, Eritrea and Djibouti, to send a peacekeeping force to Mogadishu to help Somalia's transitional government relocate to the country. Uganda will deploy over 1,000 troops in Somalia.

 

Bantariza also said the army would soon embark on a full-scale disarmament program of the Karimojong warriors in northeast part of the country.

 

He warned those still in possession of illegal arms to surrender them or face prosecution. Enditem

 

 

Source: Xinhua, May 30, 2005

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this