Sign in to follow this  
General Duke

Sana: President Ali Abdalla Saleh meets with President of Puntland. PIC

Recommended Posts

Saalax-iyo-Faroole2.jpg

 

faroole_aliii.jpg

 

Sanca:Madaxweynaha Yemen oo si rasmi ah u qaabilay Madaxweynaha Puntland..(Warbixin).

 

Sanca:(Allpuntland)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Yemen Cali Cabdalla Saalax ayaa galabta si rasmi ah u qaabilay Wafdiga Madaxweynaha Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed Dr,Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud oo ay kamidyihiin Wasiiro katirsan Golaha Xukuumada ee Puntland & Agaasimayaasha Dawlada Qaarkood kuwaas oo maalmihii lasoo dhaafay kulamo culus kawaday Caasimada Yemen ee Sanca.

 

Kulanka labada Madaxweyne oo yimid kadib markii uu Madaxweynaha Yemen Qasriga Madaxtooyada ee Yemen uu ku qaabilay Wafdiga Madaxweyne Faroole ayaa ka waxaa ka qeybgalay Wasiirada Dalka Yemen oo ay ka dhexmuuqdeen Wasiirada Arimaha Gudaha & Dibada ee Dalka Yemen,Waxaana looga wada hadlay Arimaha Amaanka,Xasiloonida,Caafimaadka,Hor’umarka,Wadashaqeynta labada dhinac,Amaanka Gacanka Cadmeed & Arimo badan oo quseeya wadashaqeyn rasmi ah oo ay yeeshaan labada dhinac.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Yemen Cali Cabdalla Saalax ayaa intii uu kulankaasi socday sheegey in ay Muhiim tahay ka shaqeynta Amaanka Dalka Soomaaliya,isagoo si gaar ah usoo hadal qaaday dib u xoojinta Quwadii Soomaaliya & isku keenista dadka Soomaaliyeed oo uu sheegey inay yihiin Walaalo aanan marna kala maarmin kuwaas oo ay Yemena la tahay Deris dhow oo xataa ay Isir wadaagaan.

 

Mr.Saalax Wuxuu sheegey in Dawlada Yemen aysan marna ka quusan doonin isku keenista Dhinacyada Soomaalida,Isagoo sheegey in Puntland ay tahay maamul maray jid aad loogu baahnaa kaas oo uu sheegey inuu yahay midka kaliya ee Soomaaliya isku keeni kara,Waxaana uu sheegey in dawladiisa & Puntland ay kawadashaqeynayaan dhamaan Arimihii ay Wasiirada Yemen isku raaceen Madaxweynaha Dawlada Puntland intii uu joogay dalka Yemen.

 

Madaxweynaha Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed Dr.Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa dhankiisa amaanay Taageerada Walaaltinimo ee ay Xukuumada Yemen la garabtaagantahay Soomaalida kala firdhisan,Madaxweyne Faroole wuxuu sheegey inay Muhiim tahay in laga wadashaqeeyo Dhinacyada Amaanka & Midnimada Soomaaliya,Waxaana uu Madaxweynuhu amaanay kaalinta ay Yemen uga jirto xaalada Soomaaliya isagoo sheegey in Yemen & Soomaaliya ay in ay labada dal ka dhexeeyaan Saaxiibtinimo & Walaaltinimo Soo jireen ah.

 

Mr,Faroole Wuxuu sheegey in Dawlada Puntland ay aad usoo dhaweynayso islamarkaasna ay ka shaqeynayso isku keenista Soomaalida,Waxaana uu canbaareeyey Weerarada kaladuwan ee kooxo uu ugu yeeray Argagixiso ay ku hayaan labada dal,isagoo si gaar ah uga hadlay Kooxda Galgala oo ay Dawladiisu dagaal xoogan la gashay,,

 

Kulanka labada Madaxweyne ayaa kusoo dhamaaday jawi aad u wanaagsan Waxaana ay isku raaceen dhamaan Arimihii ay kawada hadleen kuwaas oo kadhigaya in Yemen & Puntland ay sidoodii hore isaga soo dhawaadaan,Waxaana uu kulankan yimid kadib markii uu Madaxweynaha Puntland mudo todobaad ah kusuganyahay Wadanka Yemen isagoo la kulmay madax sare oo Yemen katirsan gaar ahaan Wasiirada Caafimaadka,Arimaha Gudaha,Arimaha Dibada,Kaluumaysiga,Warfaafinta & kuwo kale oo ay isku raaceen Qodobo muhiim ah.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Saleh meets President of Somalia Puntland State

 

[07/October/2010]

 

SANA'A, Oct.07 (Saba)- President Ali Abdullah Saleh met here on Thursday with President of the Puntland State of Somalia Abdirahman Mohamed Farole ,who is currently visiting Yemen.

 

Talks in the meeting dealt with the Yemeni-Somali relations, the situation in Somalia and in particular in Puntland State, and outcomes of Farole's talks with Yemeni officials ,as well as issues related to combating piracy in the Gulf of Aden and coordinating efforts in this area.

 

President Saleh reiterated Yemen's support to security, stability and unity of Somalia, noting that Somalia is a brotherly country and its security and stability concerns Yemen and all countries in the region.

 

For his part, Farole commended the supportive positions of President Saleh to Somalia and his keenness on security and stability of Somalia, noting to the strong and historical ties between Yemen and Somalia.

 

BA

 

Saba

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^

SANA'A, Oct.07 (Saba)- President Ali Abdullah Saleh met here on Thursday with President of the Puntland State of Somalia Abdirahman Mohamed Farole ,who is currently visiting Yemen.

Yea, mayb the government media of Yemen is also mixing things up.

 

President Faroole has met, the Interior Minsiter, Foreign Minister, Minister of Fisheries, Information and now the President of the republic of Yemen.

:D Not bad..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Puntland Oo La Kulmay Madaxweynaha dalka Yemen

 

October 7, 20101 comment| leave your own!Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed Maxamuud oo maalmahaan socdaal ku joogey dalka Yemen isaga iyo wefdi u hogaaminaayo ayaa maanta kulan la qaatay Madaxweynaha dalka Yemen Cali Cabdalle Saalax.

 

Kulanka labada Madaxweyne ayaa ka dhacay magaalada Sanca ee caasimada dalka Yemen,wuxuuna ahaa mid looga hadlaayay arrimo kala duwan.waxaana kamid ahaa waxyaabihi ay kawada hadleen;

 

-Xirrirka u dhaxeeya Yemen iyo Soomaaliya

 

-Xaaladda ka taagan dalka Soomaaliya gaar ahaan kan Puntland

 

-Arrimaha Burcadbadeeda

 

Madaxweynaha dalka Yemen ayaa waxaa uu Madaxweynaha Puntland iyo wefdigiisa u sheegay in Dawladda Yemen ay taageerayso soo celinta nabada,xasiloonida iyo midnimada dalka Soomaaliya.

 

Dr.Faroole Madaxweynaha Puntland ayaa isaguna uga mahadceliyey Madaxweynaha dalka Yemen qaabka ay Dawladiisa u taageerto Soomaaliya isla markaana ka qayb qaadato nabada iyo xasiloonida Soomaaliya.

 

Wuxuuna ugu baaqay Madaxweynaha Yemen inuu xoojiyo xirrirka taarikhiga ee u dhaxeeyey dalalka Yemen iyo Soomaaliya.

 

Wefdiga Madaxweynaha Puntland ee ku sugan dalka Yemen ayaa dhowrkii maalmood lasoo dhaafay kulamo kala duwan la qaatay Wasiirada Xukuumada Yemen,waxaana ugu danbeeyey kulan shalay ay la qaateen Wasiirada Warfaafinta iyo Kaluumaysiga.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Puntland oo la kulmey Madaxweynaha Yamen

7 Oct 7, 2010 - 8:07:51 AM

 

Madaxweynaha Puntland iyo wafti uu hogaaminayo ayaa maanta 7 Oct,2010 la kulmey Madaxweynaha dalka Yamen Cali Cabdalla Salah.

 

Kulankaan ayaa lagaga hadley xiriirka u dhexeeya Somalia iyo Yamen gaar ahaan midka Puntland oo uu Madaxweyne Cali Cabdalla Saalax sheegey in muhiimad weyn u leeyahay wadankiisa.

 

Kulanka labada Madaxweyne ayaa sidoo kale diirada lagu saarey la dagaalanka burcad badeedka iyo xoojinta amniga labada mandiqadood iyadoo lagaga hadley qaabkii labada dhinac isaga kaashan lahaayeen.

 

Madaxweynaha dalka Yamen ayaa dhinaca kale carabka ku adkeeyey in ay muqadas tahay midnimada Somalia isagoo ku amaaney Puntland sida ay u ilaaliso.

 

Mud.Salah ayaa sida wararka aan heleyno sheegayaan xusey in amniga Puntland iyo kan Yamen yahay mid muhiimad gaar ah u leh caalamka.

 

Madaxweynaha Puntland Mud.Cabdiraxman Maxamad Farole ayaa dhankiisa ka mahad celiyey sida loogu soo dhoweeyey wadanka Yamen isagoo sheegey in labada dad walaalo yihiin [Yamen iyo Somalia].

 

Madaxweynaha Farole ayaa warbixin kooban ka bixiyey xaalada Somalia guud ahaan iyo gaar ahaan Puntland isaga oo tilmaamey in maamulkiisu dadaal ugu jirey adkeynta xasiloonida gobolka.

 

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland iyo waftigiisa ayaa qado sharaf laga siiyey Madaxtooyada dalka Yamen iyadoo uu goob joog ahaa Madaxweyne Cali Cabdalla Saalax.

 

Waftiga Madaxweynaha Puntland oo GO la hadley ayaa sheegey in safarkooda ahaa guul u soo hoyatey shacabka Somalia gaar ahaan Puntland iyadoo ay kor u kacdey sumcada caalamka ay ku leedahay.

 

GAROWEONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

PhotoNews:-Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Madaxweynaha Yemen

 

Madaxweynaha Yemen Cali Cabdalla Saalax ayaa Xarunta Madaxtooyada ee Dalka Yemen Cali Cabdalla Saalax waxaa uu ku qaabilay Madaxweynaha Puntland Dr.C/raxman Farole qasriga Madaxtooyada ee Sanca

 

Madaxweynaha Yemen & Madaxweynaha Puntland ayaa waxay ka wada Hadleen iskaashiga Labada Dowladood & sidoo kale sidii kor loogu qaadi lahaa adeynta Amniga Labada Dhinac & la dagaalanka Burcad badeeda

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this